Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daahfuray qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara oo Hal Milyan oo barakacayaal loogu sameyn doono dib u deegaameyn.

Itoobiya

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Mike Hammer, ayaa booqasho ku tegi doona Itoobiya, si loo qiimeeyo dhaqangelinta heshiiskii Pretoria ee lagu joojiyay colaadaha dalkaas.

Kenya

Wasiirka deegaanka , isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa u safray magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast, si uu uga qayb galo shirka heerka wasiirrada ee arrimaha deegaanka ee Afrika ee o (AMCEN).

AMCEN ayaa ah madal ay wasiirrada Afrika uga wada hadlaan sidoo kalena ay ku dejiyaan istaraatiijiyooyinka wax looga qabanayo waxyaabaha saameynta ku leh deegaanka.

Masar/ Turkiga

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi ayaa maanta gaaray dalka Turkiga, kaddib casuumaad uu ka helay Erdogan, waxaana la filayaa in labada hoggaamiye ay ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin horumarinta xiriirka ganacsi ee labada dal iyo dagaalka Israel ee marinka Gaza.

Ku dhawaad ​​20 heshiis ayaa lagu wadaa iny kala saxiixdaan labada dal, waxaana ka mid ah dhinacyada Difaaca, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Dhaqanka.

Is dhaafsiga ganacsiga labada dal hadda gaaraya $10 bilyan balse qorshuhu waxa uu yahay in la gaarsiiyo $ 15 bilyan.

Shiinaha / Mareykanka

Shiinaha iyo Mareykanka ayaa dib u bilaabaya wadahadalka cimilada iyadoo labada dhinac ay qabanayaan shirka labaad ee Horumarinta arrimaha Cimilada

Africa

Shir madaxeedka 9-aad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmaya magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, waxaana ka qayb gelaya madax ka kala socota dalal kala duwan oo Afrikaan ah.

Shiinaha ayaa dadaal ugu jira sidii uu xiriir qoto dheer ula yeelan lahaa qaaradda kheyraadka badan leh ee Africa, wuxuuna ku bixiyay sanadihii lasoo dhaafay balaayiin doolar oo dayn ah oo lagu taageerayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta.

Is dhaafsiga ganacsiga labada dhinac ayaa gaaray $167.8 bilyan qeybtii hore ee sanadkan, sida lagu sheegay warbaahin kasoo baxday Shiinaha.

Congo

Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ayaa filaysaa inay hesho Khamiista qaybti ugu horeysay ee gargaarka tallaalka cudurka Mpox, iyada oo qaybta labaadna lasoo gaarsiin doono maalinta Sabtiga ah

Congo ayaa ah xudunta cudurka mpox ka dillaacay, iyada oo Ururka Caafimaadka Adduunka uu ku dhawaaqay xaalad caafimaad oo degdeg ah bishii hore, kadib markii uu ku faafay dalalka deriska la ah.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 334-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 819 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 94,291 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 675 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 706, halka dhaawacana lagu sheegay 4,417, oo askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here