Monday, July 15, 2024

Degdeg: Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta u safraya Eritrea

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safraya dalka Eritrea, sida uu Dawan TV ogaaday.

Waa markii 7-aad ee Madaxweyne Xasan uu booqasho ku tago Asmara tan iyo markii dib loo doortay 15 May 2022, iyada oo dalkaas ku tababartaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Soomaaliya.

Bishii March ee sannadkaan ayay ahayd booqashadiisi ugu dambeysay, isaga oo xilligaas kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki, waxeyna kawada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga arrimaha amniga iyo diblomaasiyadda.

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Cumar Idiris, 17-kii bishii November ee sannadkii tegay, isaga oo noqday Safiirkii ugu horeeyay ee ay Soomaaliya u dirto Asmara.

 Magacaabista Safiir Cumar Idiris ayaa  muujisay marxalad taariikhi ah oo ku aaddan muuqaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Wadashaqeynta u dhaxeysay Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku koobaneed xiriir diblomaasiyadeed, inaksta oo ay Eritrea ay door muhiim ah ka ciyaareesay tababaridda Ciidamada Soomaaliya, seddexdi sanoo ee lasoo dhaafay, taas oo keentay in ay ka qalin jabiyaan xarumaheeda tababarka in ka badan 5, 000 oo askari oo Soomaali ah kuwaas oo isuga jira dhinacyada kala duwan ee Ciidanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here