Thursday, September 19, 2024

Jigjiga oo lagu qabtay xuska aasaaska Taliska Ciidanka Bari ee Itoobiya

Jigjiga (Dawan)- Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaa maanta lagu qabtay xuska 47-aad ee aasaaska Taliska Ciidanka Bari ee Itoobiya, iyada oo ay kasoo qayb galeen saraakiil uu horkacayo taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Birhanu Jula

Imaanshaha saraakiishaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay sii kordhayso xiisada Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee Addis Ababa la saxiixatay Somaliland

Taliyaha ayaa sheegay inay ciidamada difaaca bariga Itoobiya si buuxda kaga soo baxeen wajibadiikii loo igmaday laga soo bilaabo maalinkii dhidibada loo taagay oo ay kasoo wareegtay 47 sano, wuxuuna intaas raaciyay inay ka libin heleen cid kasta oo isku dayday inay wax yeello soo gaarsiiso dalka iyo shacabka Itoobiya.

Taliyaha ayaa marka uu gaaray Jigjiga waxa uu xariga ka jaray xarunta tababarka taliska Bari ee ciidamada Itoobiya, isaga oo tilmaamay in xaruntan cusub ay noqon doonto goob muhiim ah oo lagu soo bandhigo munaasabadaha kala duwan ee ciidamada, iyada oo sidoo kale lagu qaban doono dhoolatuska ciidanka

Dhankiisa, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa hambalyo udiray taliska ciidamada bari ee dalkaas , isaga oo xusay inay lafdhabar u yihiin nabad galyada dalka iyo deeganka, kana difacaan cidkasta oo ku soo duusha madaxbanaanida dalka iyo deeganka oo ay ugu horeeyaan koxaha xagjirka ee argagixisa, sida uu hadalka u dhigay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here