Saturday, July 27, 2024

Ra’iisul Wasaara ku xigeenkii Itoobiya oo si lama filaan ah xilka uga tegay

Addis Ababa (Dawan)- Demeke Mekonnen, oo ahaa mudda dheer Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya isla markaana ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas ilaa November, 2020-kii ayaa isaga tegay labada xil, sida ay ila ku dhaw u xaqiijiyiin Addis Standard

Demeke oo ah gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga xukuma Itoobiya kana soo jeeda Qowmiyadda Axmaarada ayaa sidoo kale maanta laga qaaday xilkaas, iyada oo lagu beddelay Temesgen Tiruneh oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Itoobiya (NISS).

Arrintaan waxaa looga dhawaaqay shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga Barwaaqo kaas oo ka dhacay caasimadda dalkaas ee Addis Ababa.

In kasta oo Demeke uu Ra’iisul wasaare ku xigeen soo ahaa tan iyo 2012, hadana Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda kadib markii uu qarxay dagaalkii Tigray bishii November 2020, isaga oo beddelay Gedu Andargachew.

Demeke ayaa Golaha Wasiirada ee Itoobiya kusoo biiray sannadkii 2008 markaas uu noqday Wasiirka Waxbarashada xiligaas oo Meles Zenawi Itoobiya ka ahaa Ra’iisul Wasaare.

Demeke ka hor intii aan loo magacaabin Wasiirka Waxbarashada 2008 waxa uu ahaa Guddoomiyaha anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee Gobolka Axmaarada, waxa uu sidoo kale ahaa madaxa Maamulka iyo Amniga ee Gobolkaas, isaga oo intii u dhaxaysay 2005-2008, soo noqday Madaxweyne ku-xigeenka iyo Madaxa Xafiiska Tayaynta ee Gobolka Amxaarada.

Demeke waxa uu noqday shaqsi si weyn uga dhex muuqda siyaasada Dowlad Deegaanka Axmaarada kadib markii loo magacaabay Gudoomiyaha Ururka Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiga Wadaniga ah ee Axmaarada (ANDM) bishii September 2010, isagoo bedelay madaxii xisbiga Addisu Legese.

Demeke ayaa hayay xilka Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Axmaarada (ADP) ee loo beddelay magaca ANDM, iyo Gudoomiye ku xigeenka EPRDF ilaa intii laga kala diray labadaba December 2019 kadibna lagu dhawaaqay Xisbiga Barwaaqada (PP).

Hase yeeshee, Demeke ayaa gaaray mar qura darajadiisi ugu sarreysay ee xisbigii talada hayay xilligaas ee Ethiopia People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) kadib markii loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka xisbiga iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka markii Ra’iisul Wasaarihii hore Hailemriam Desalegn uu qabtay jagada Ra’iisul Wasaaranimo ka dib geeridii Meles Zenawi.

Intii lagu guda jiray shirweynihii ugu horreeyay ee Xisbiga Barwaaqada ee la qabtay March 2022, Demeke waxaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga ka dib Abiy Axmed iyo Adam Faarax oo kala noqday Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka xisbiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here