Thursday, September 19, 2024

Maxad ka ogtahay qaabka cusub ee isku aadka UEFA Champions League?

Muqdisho (Dawan)- Maxad ka ogtahay qaabka cusub ee isku aadka UEFA Champions League loo sameeyey iyo sida wareegga group-yada ay ku imaanayaan kooxaha?

Tartanka UEFA Champions League oo 17-ka Sebtember 2024 la bilaabi doono ayaa lagu soo kordhiyay isbeddello muhiim ah oo saameyn ku leh qaab ciyaareedka kooxaha ka qeyb galaya.

Tartankan oo ah mid ka mid ah kuwa ugu xiisaha badan ciyaaraha kubadda cagta ee Yurub, ayaa lagu soo kordhiyay 4 kooxood oo cusub, taasoo tirada guud ee kooxaha ka qeyb galaya ka dhigeysa 36 kooxood, halka markii hore ay ahaan jireen 32 kooxood.

Kooxaha 4-ta ah ee lagu soo kordhiyay ayaa ka kala imaan doono labo boos oo la siin doono kooxaha qiimeynta ugu sareeya ka heesta  UEFA qiimennteeda  ku saleysan waxqabadkooda tartamada Yurub xilli ciyaareedkii lasoo dhaafey, laakiin aan u soo bixin Champions-ka heerka qaramadooda.

Hal boos ayaa la siin doonaa Kooxda heysata horyaalka heerka hoose, oo ku saleysan qiimeynta UEFA. Kooxahan ayaa ka kala socda wadamada uusan horyaalku ka mid ahayn horyaalada ugu sareeya Yurub.

Sidoo kale Hal boos oo la siin doonaa koox ka socoto wadanka kaalinta shanaad kasoo gala qiimenta tartamada UEFA ee shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay .

Isbeddellada ugu waaweyn ee lagu sameeyay qaab ciyaareedka tartanka waxaa ka mid ah in Kooxaha  loo qeybiyay afar dheri, iyadoo 9 kooxood ay ku jirto dheri walba.

Koox kasta waxay ciyaari doontaa 8 kulan heerka group-yada oo 4 kulan ay garoonkeeda ku ciyaari doonto (home), iyo 4 kulan oo ay marti noqon doonto (away) ,Waxay sidoo kale la ciyaari doonntaa laba ka mid ah kooxa ku jira dheri kale .

8-da Kooxa ee ugu dhibacaha sareeya ayaa si toos ah ugu gudbi doona wareega 16-ka, halka kooxaha kusoo xiga ee booska  9 -ilaa 24 ay ciyaar kala bax ah (Play-off) aadi doonaan iyadoo 8- koox ee kasoo baxana ay ku biiri doonaan wareega 16-ka.

Tartanka ayaa ku sii socon doona qaabkii bug-bax ah oo laba lugood ah laga bilaabo wareega 16-ka.

Qaabka cusub ee tartanka UEFA Champions League wuxuu ka dhigan yahay isbeddel weyn oo laga beddelay nidaamkii hore ee heerka group-yada.

Isbeddelladan cusub ayaa la filayaa in uu soo kordhiyo xiisaha iyo tartanka dhex maraaya kooxaha Yurub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here