Thursday, September 19, 2024

Congo oo heshay tallaalkii ugu horeeyay ee cudurka Mpox

Kinshasa (Dawan)- Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), oo ah xudunka uu ka bilowday cudurka Mpox, ayaa Khamiistii heshay tallaalkii ugu horreeyay ee cudurkan, iyadoo Midowga Yurub oo ku deeqay kala bar dawoyiinka tallaalka lasoo gaarsiiyay dalkaas, waxaana la filayaa in qaybta labaad ee hartay inay soo gaarto dhammaadka toddobaadka.

Madaxa Hay’adda Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka (HERA) ee Midowga Yurub ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in ay gaareen Congo lana geyn doono dawooyinka xarumaha kaydinta, halkaas oo ololaha tallaalka uu ka bilaaban doono dhammaadka bishan.

Wasiirka Caafimaadka ee Congo, Samuel-Roger Kamba iyo Laurent Muschel, ayaa goob joog ka ahaa garoonka diyaaradaha Kinshasa markii diyaarad sidday 99,100 xabbo oo tallaalka ah ay soo caga dhigatay garoonka, sida uu sheegay wariye ka tirsan AFP.

Sida laga soo xigtay wasiirka caafimaadka ee Congo, Congo waxay diiwaangelisay in ka badan 19,000 oo kiis iyo in ka badan 650 oo dhimasho ah.

Mpox ayaa ah cudur uu keeno fayras dadka uga gudba xayawaannada uu ku dhacay, waxaana sidoo kale lagu kala qaadi karaa xiriir dhow oo toos ah oo u dhexeeya dadka. isagoona sababa qandho, xanuun muruqyada ah, iyo finan waaweyn oo maqaarka kasoo baxa, taasoo mararka qaar keenta dhimasho.

Qaybta labaad ee gargaarka tallaalka uu ku deeqay Midowga Yurub ayaa la filayaa inay gaaraan Kinshasa Sabtida.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa 14-kii Agoosto ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo caalami ah, iyadoo ka walwalsan tirada sii kordheysa ee kiisaska nooca cusub ee cudurka Mpox ee ka dillaacay DRC, kaasoo ku sii faafay dalalka deriska ah.

Tallaallada soo gaaraya DRC toddobaadkan waxaa laga keenay shirkadda daawooyinka ee Bavarian Nordic oo fadhigeedu yahay Denmark. Waa talaalka kaliya ee la oggolaaday Yurub iyo Mareykanka, waxaana loo qorsheeyay oo keliya dadka waaweyn.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here