Sunday, May 19, 2024

Dakhliga dowladda oo sameeyay koror dhan $27 milyan 4-ti bilood ee tagtay

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo shir jaar’id qabtay ayaa ka warbixiyay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo horumarka laga sameeyay arrimaha dhaqaalaha iyo sare uqaadidda dakhliga gudaha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in afartii bilood ee lasoo dhaafay horumar laga sameeyay kordhinta dakhliga gudaha dalka, dib-u-habeynta dhanka sharuucda hannaanka Maaliyadda, xoojinta Nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda iyo dardar-gelinta ka faa’iideysiga Tiknooloojiyadda casriga ah ee dhanka aruurunta Canshuuraha.

” Sanadkii 2022-ka bishii January ilaa bishii Abril 2022 dakhliga Dowladda u soo xarooday wuxuu ahaa 73 Milyan oo doollar. 2023 kii bishii January ilaa Abril 2023 dakhliga Dowladda u soo xarooday waxa uu ahaa 89 Milyan oo doollar. Sidoo kale sanadkaan aan hadda ku jirno ee 2024 ka ah afartaas bilood dakhliga Dowladda u soo xarooday waa 116 Milyan oo Dollar. labadaas sanno ee u dambeeyay haddii aan is barbardhigno korar ah 27 Milyan oo Dolllar ayuu sameeyay dakhliga gudaha”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Bixii Imaan Cige.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in boqolkiiba 30 uu kordhay sanadkaan dakhliga Dowladda kadib markii si nidaamsan loo aruuriyay canshuurta laga qaado muwaadiniinta.

Biixi ayaa ka dhawaajiyay in wadashaqeynta Hey’addaha Maaliyadda caalamiga ah ee taageera Soomaaliya iyo adduunka kaleba ay kalsooni wayn ku qabaan in Soomaaliya ay ka miradhaliso barnaamijka Deyn Cafinta kaddib ee loo soo gaabiyo HIPC kaas oo ay kawada shaqeynayaan Dowladda Federaalka Hey’adda IMF.

Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkaan gaartay in ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada, sida ay hore u sheegtay xukuumadda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa 13-kii bishii December laga cafiyay deymihii lagu lahaa, waxeyna hadda dadaal xoogan ugu jirtaa in ay hesho maalgashi ballaaran oo ka qayb qaata kobaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta dalka.

Dalalka ku bahoobay Naadiga Paris ayaa isku raacay bishii December ee lasoo dhaafay in Soomaaliya laga cafiyo 1.2 bilyan oo dollar oo ah deymaha lagu lahaa, iyadoo la raacayo hannaanka hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka si loo dhimo culayska deynta ee saaran dalka Soomaaliya.

Lacagta deynta ah ee la go’aamiyay in laga cafiyo Soomaaliya ayaa ka dhigan 99% wadarta guud ee deyntii ay dalalka Naadiga Paris ku lahaayeen Soomaaliya ilaa January 2023.

Naadiga Paris ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan qorshaha Soomaaliya ay ku dooneyso in ay kula dhaqanto wadamada kale iyo hay’adaha deyn bixiyayaasha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here