Thursday, September 19, 2024

Isku dayga warbaahinta looga xannibayo mucaaradka

Muqdisho (Dawan)- Shir jaraa’id iyo wareysiyo waa ka mamnuuc barxadda Golaha Shacabka; Isku day warbaahinta looga xannibayo mucaaradka

Wixii hadda ka dambeeya, Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya shir jaraa’id kuma qaban karaan barxaddda xarunta Golaha, balse farriinta mamnuucitaanka ah intii xildhibaanada lala wadaagi lahaa waxaa lala wadaagay warbaahinta.  

“Dhamaan warbaahinta ka howlgasha Golaha Shacabka waxaa lagu wargelinayaa in la mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabanayo gudaha xarunta Golaha Shacabka oo uu ku jiro banaanka Hall-ka Golaha, sidoo kalena la mammuucay in halkaasi wareysiyo lagu qaado.” Ayaa lagu yiri farriin loo diray wariyeyaasha ka soo warrama Golaha Shacabka.  

Hadaba waa maxay ujeedada?

Xildhibaanada marka ay rabaan inay arrin uga hadlaan gudaha Golaha, waa in ay maraan habraac dheer oo ka billaabanaya soo jeedinta mowshin ay saxiixaan tiro xildhibaanno ah, guddoonkuna uu aqbalo, kadibna ay fursad u helaan minbarka iyo makaroofanka Golaha, sidaasina ay warbaahintu ugu gudbiso bulshada. Waddadaas dheer iyo isu dhowaanshaha madaxtooyada iyo Guddoonka ayaa yareeyay fursadda ay xildhibaanada mucaaradka ah u heli karaan minbarka

Wakiillada warbaahinta madaxa bannaan ee ka soo baxa tebinta kulamada rasmiga ah iyo xildhibaanadii caryesnaa ayaa barxadda Golaha isku hela dhamaadka kulan kasta, halkaas ayuu xildhibaan walba uga hadlaa waxa ku taagan. Xeer hoosaad, ogolaansho guddoon iyo waqti la isku xisaabiyo intaba halkaan kama jiraan.  

Barxaddan waxay madal u noqotay mowduucyo ra’yulcaamka ruxay sanadkan aynu ku guda jirno, waxaana ka mid ah hadalladii la diiwaan geliyay ee xildhibaada;

” Xukuumaddii maydka ahayd, Golaheedi wasiirada ayaga oo aad moodid inay damaashaadayaan ayay waxay tageen xeebta”

“Waa markii ugu horeysay ee dowlad goboleedyada madaxdoodu ay diyaar u yihiin inay doorasho aadaan oo madaxda qaranku u diidantahay”

” Xukuumaddan fashilantay ee umadda inay ka hortgatana rabin, shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir waxaan u sheegeynaa, anagaa hor kaceynee, ha iska ceyriyaano hana iska diraano”

” Maalmahaan waxaan aad u dareemeynay isku milan inuu jiro labada hay’adood ee kala madaxbannaan. hay’addii sharci dejinta iyo hay’addii fulinta”

Intaas waa qaar ka mid ah hadaladdii xildhibaanada mucaaradka ee warbaahinta kula hadli jiray barxadda Golaha Shacabka’

Shirarka jaraa’id ee xildhibaanadu bannaanka ku qabtaan waxayba ka muhiimsan yihiin oo ka saameyn badanyihiin kulamada rasmiga ah ee Golaha Shacabka, marka loo fiiriyo mowduucyada ay xildhibaanadu soo qaadanayaan iyo sida saraaxada leh ee ay uga hadlaayaan. Kaliya maaha kuwa mucaardka ah waxa meeshaas ka hadla xitaa kuwa muxaafadka ah, waxaana runtii la dhihi karaa waa waa meesha kaliya ee dimuqaraadiyad iyo xorriyad hadal ka jirto dalka oo dhan. Inta laga war qabo hadalladii ugu kululaa ee siyaasadeed ee naqdin ah waxaa laga sheegay barxadda Golaha.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey tiro xildhibaano ah taageero xooggan u muujiyeen dowladda Ethiopia oo ay Soomaaliya kala dhaxeyso xiisad ku saabsan heshiis is afgarad ah oo billowgii sanadkaan ay la gashay Somaliland kaas oo xaq u siinaya inay badda gaarto.

Arrinkaan ayaa xiisad ka dhex dhaliyay qabaa’ilka dega dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo kuwa gobollada dhexe, waxaana la aaminsan yahay in arrintan soo dedejisay go’aankan xayiraadda shirarka jaraa’id ah.  

Sidee ayuu go’aankan u saameyn doonaa xildhibaanada mucaaradka ah iyo warbaahinta?  

Xildhibaanada uma fududa inay shir jaraa’id qabtaan maalin walba oo ay aragtiyahooda uga hadlaan marka la fiiriyo dhowr arrimood; marka hore; hotellada iyo hoolalka lagu shiro waa kharash badan oo xildhibaanada uma sahlana, midda labaad waa in kulamada iyo isu imaadyada looga baahan yahay oggolaansho ay ka helaan hay’adaha amniga iyo tan ugu dambeysa oo ah inaysan heleynin xamaasadda iyo xiisaha ay leedahay in ay Golaha shacabka dhexdiisa ka hadlaan 

Suurtaglnimada fulitaanka go’aankan ayaa ku xiran sida ay xildhibaanada mucaaradka ah uga falceliyaan. Wariyaheena arrimaha Golaha Shacabka Sakariye Soohoyde ayaa aaminsan in warbaahintu ku qasban tahay qaadashada go’aanka cusub si aysan u waayin oggolaanshaha soo tebeinta kulamada rasmiga ah ee Golaha Shacabka.  

Tirada xilhibaanada mucaaradka ah ayaa siddeedii bilood ee la soo dhaafay kor u kaceysay tan iyo markii ay hakadeen dagaaladaii ka dhanka ahaa ururka Al-Shabaab, waxaana hadda lagu qiyaasaa ilaa 100 xildhibaan oo kamid ah 277 ka xildhibaan ee Golaha Shacabka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here