Thursday, September 19, 2024

Xiisadda gobolka.. Soomaaliya oo dagaalkii diblomaasiyadeed ku xoojisay mid diimeed

Muqdisho (Dawan)- Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo maanta war kasoo saaray xaaladda ka taagn Geeska Afrika ayaa sheegay inay waajib tahay  difaaca madax banaanida dalka iyo dhowridda midnimada umadda Soomaaliyeed.

Culimadu waxay sidoo kale ugu baaqeen dhamman qeybaha kala duwan ee bulshada sida: dhaqanka, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, dumarka iyo dhalinyarada in ay u midoobaan difaacida diinta iyo dalka kana fogaadaan wax kasta oo kala dhantaali kara midnimada iyo wadajirka umadda Soomaliyeed.

Waxa ay culimadu digniin u direen dad ay ku tilmaameen inay ku howlanyihiin kicinta, kala qeybinta, iska horkeenka bulshada iyo dacaayadaha dhiileysan ee la isku marinaayo baraha bulshada.

Dhanka kale, Culimadu waxay dowladda ugu baaqayeen in ay abuurto jawi ay ku wada hadlaan dadka qaba tabashooyinka si loo xoojiyo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed

Farriimaha culimadu kuma koobneyn kaliya dadka iyo dowladda Soomaaliya balse waxay sidoo kale farriin u direen shacabka Itoobiya iyaga oo ugu baaqay in ay ilaaliyaan nabad ku wada noolaanshaha iyo daris wanaaga shucuubta labada dal.

Hoggaanka Itoobiya ayay ku eedeeyeen inuu ka shaqaeynayo xiligaan la joogo iska horkeenka iyo hurinta colaado kale oo dhax mara labada dowladood ee dariska ah.

War-saxaafadeedka kasoo baxay culimada oo Dawan lasoo gaarsiiyay ayaa lagu bogaadiyay dadaallada dowlada Soomaaliya ee xoojinta heshiisyada iskaashi ee ay la yeelanayso dowladaha islaamka si loo ilaaliyo danaha  qaranka Soomaaliyeed.

Arrintaan ayaa loo arkaa tillaabo kale oo dowladda Soomaaliyeed ku xoojineyso dadaalkeedi diblomaasiyadeed iyada oo ka faa’iideysaneysa ixtiraamka iyo qaddarinta ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan culimada diinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here