Saturday, July 27, 2024

RW Xamse: Qatar waa saaxib istiraatiiji ah oo la isku hallayn karo

Doha (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraah Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ka mahadceliayay garab istaagga iyo taageeridda Dowladda Qatar ay u muujisay Soomaaliya xilliyada adag, isaga oo sheegay in Shacabka Soomaaliyeed uusan hilmaami doonin abaalkii loo galay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo wareysi siinayay Wakaaladda Wararka Qatar, inti uu booqashada u joogay  magaalada Dooxa, ayaa sheegay in dowladda Qatar aysan maalin qura ka caga jiidin inay caawiso Soomaaliya.

Xamsa ayaa yiri “ Taariikhda ayaa xusi doonta dowrki muuqday iyo kaalintii ay dowladda Qatar ka qaadatay horumarka Soomaaliya ee dhinayada dhaqaalaha amniga, xasiloonida, iyo  taageeridda barnaamijka deyn cafinta”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas raaciyay  “ Qatar waxey kaalin weyn ka qaadatay fulinta mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya sida waddooyinka, dayac tirka xarumaha dowladda iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini aadanimo”.

Saaxib la isku halleyn karo

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in  marti gelintii Dowladda Qatar ee shirkii arrimaha Sooomaaliya oo ay kasoo qeyb galeen Maraykanka, Ingiriiska, Qatar, Imaaraadka Carabta, Soomaaliya iyo Turkiga uu muujiyay sida ay Qatar uga go’antahay in laga shaqeeyo horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo in la garab istaago shacabka Soomaaliyeed, iyada oo la mideeynayo daaalladda beesha caalamka si loo soo afjaro xagjirnimada iyo colaadaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay u aragto dowladda Qatar saaxib istiraatiiji ah oo la isku hallayn karo, isaga oo sheegay inuu rajo weyn ka qabo in la sii ballaariyo iskaashiga labada dhal ee dhinacyada kala duwan, si looga mira dhaliyo himilada labada shacab.

Xanmsa waxa uu hoosta ka xarriiqay in  Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga kala dhaxeeya dowladda Qatar ee dhinacayda waxbarashada,  ganacsiga,  maalgashiga, dhaqanka, la dagaallanka fikradaha xagjirnimada iyo dadaallada dib u dhiska dalka si loogu xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la dardargeliyo howsha guddiyada isku dhafka ah ee labada dal kuwaas oo loo xil saaray fulinta heshisyadi ay labada xukuumadood kala saxiixdeen si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Dhanka xiriirka, ayuu Sheegay Xamsa in in xiriirka labada dal ee  Soomaaliya iyo Qatar uu sameeyay horumar la taaban karo sanadihii la soo dhaafay, isaga oo yiri “Markaan booqaneyno Qatar, waxaan xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan si loogu shaqeeyo  nabadda, xasilloonida iyo horumarka  dalalkeena iyo dunida Carabta iyo Islaamka”

Xamsa ayaa sheegy in Soomaaliya ay qorsheyneyso inay ka gudubto seddex arrimood oo kala ah in dalka laga saaro kooxda Al-shabaab, dhaqan gelinta bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo dib u habeynta hay’adaha maaliyadda si Soomaaliya looga cafiyo denta.

 La dagaallanka argagixisada iyo Wax ka qabashada arrimaha bulshada

Xamsa ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay la gashay dagaal xooggan kooxda Al-shabaab taas oo keentay in laga saaro magaalooyin iyo deeggaano gaaraya 80 oo istiraatiiji ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in dhulka lagala wareegay Al-shabaab u dhigmo kala bar, marka loo eego dhulki ay hore u heysteen.

Ra’iisul Wasaaraha  ayaa sheegay in dhinaca dib u heshiisiinta laga gaaray heer kadib markii dhowr jeer maamul goboleedyada iyo dowladaa dhexe isagu yimaadeen shirar looga arrinsanaayay qaddiyadaha waaweyn ee dalka, wuxuuna sheegay in meel la isla dhigay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo dib u habeynta ha’aydaha maaliyadda.

Dib u habeynta ha’aydaha maaliyadda la sameeyay ayaa sababtay in  30% uu siyaado dakhliga dwoladda, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Dhanka Waxbrashada ayuu tilmaamay in Xukuumaddiisu diirradda saartay sidiii jiilka soo koraya u heli lahaayeen waxbarasho, wuxuuna sheegay in dufcadii ugu horreysay oo ka kooban 3,000 oo macalimiin school la shaqaaleysiisay si loo tayeyo waxbarashad asaasiga ah.

Xamsa ayaa sheegay  in Soomaaliya maanta ay ka muuqato xasillooni, amni, midnimo iyo is-af-garad siyaasadeed, taas oo horseeday kobac dhaqaale oo la taaban karo, inkasta oo ay jiraan caqabado,wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ay dib u soo ceshan doono sharaftii ay lahayd kana xoreyn doonto argagixisada gobollada ku haray gacantooda.

F.G: Asalka Wareysigaan oo Carabi ah, waxaa iska leh Wakaaladda Wararka Qatar, Tarjumidda Nuxurka Wareysigaana waxaa sameeyay Bahda TV-ga Dawan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here