Friday, September 20, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Goalaha Shacabka ayaa maanta soo gabagabeeyay Akhrinta Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed kadib dhowr kulan oo u baaqday sababo kala duwan.

Hindise Sharciyeedka ayaa lagu wareejiyay guddiga ku shaqada leh si ay ugu soo daraan  soo jeedinta xildhibaanadda iyada oo dib loogu soo celin doono Golaha si loo meel-mariyo

Kenya

Laamaha amniga ee dalka Kenya ayaa gacanta kusoo dhigay 2 qof oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen dilka arday wax ka baranayay Jaamacadda Pwani.

Meydka ardayga ayaa laga helay deegaanka Kisumu Ndogo ee Ismaamulka Kilifi.

Itoobiya / Kenya

Itoobiya iyo Kenya ayaa adkeeyyay sida ay uga go’an tahay in ay si istiraatijiyad ah uga faa’iidaystaan ​​dekedda Lamu ayna sii hormariyaan hindisayaasha wadajirka ah ee farsamada iyo tamarta cagaaran.

Labada dal ayaa diiradda saaraya horumarinta isticmaalka dekedda Lamu si kor loogu qaado dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha iyo iskaashiga, iyada oo horay ay u kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo arrimahaan la xiriira

Itoobiya

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Gambella ee Itoobiya ayaa sababay in wabiga Baro uu sameeyo fatahaad, waxaana ku barakacay in ka badan 20,000 oo qof.

Waxaa lasoo warinaya burbur xooggan oo soo gaaray guryaha iyo dhul beereed, iyada oo dadkii barakacay ay hooy ka dhigteen iskuuladda iyo xarumaha kae ee dowladda.

Suudaan

Dowladda Suudaan ayaa ku gacan seyrtay soo jeedinta Qaramada Midoobay ee ah in dalkaas la geeyo ciidamo nabad ilaalin caalami ah si ay u badbaadiyaan dadka rayidka ah inta ay colaaddu ka socoto .

Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ku baaqay in ciidan nabad ilaalin loo diro dalka Suudaan si wax looga qabto dhibaatada ay la kulmayaan dadka rayidka ah.

Algeria

Cabdimajiid Tebboune ayaa markii labaad oo xiriir ah ku guuleystay madaxtinimada Algeria kadib markii uu helay 94.65% codadkii la dhiibtay. Shan sano oo cusub ayuu sii xukumi doona dalka ugu wayn Africa kana mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan qaaradda

Cabdicaali Xasaani ayaa helay 3.17%, halka Yuusuf Aouchiche oo ka tirsan Jabhadda Socialist Forces Front uu helay 2.16%.

US/ UK

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa maanta oo isniin ah u safray magaalada London isaga oo la kulmi doona dhiggiisa Ingiriiska David Lammy.

Labada dhinac ayaa ka wada hadli doona arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda Bariga Dhexe, dagaalka Ukraine iyo Ruushka iyo iskaashiga labada dal.

Geneva

Golaha Xuquuquda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ku shiraya magaalada Geneva inta u dhaxaysa Sebtember 9 ilaa 11. Goluhu waxa uu ka doodi doonaa arrimaha xuquuqda aadanaha ee caalamka, iyada oo si hoose loo eegi doono xaaladaha Afghanistan, Sudan, iyo Yemen.

Ruushka

Kulankii 3-aad ee Guddiga Iskaashiga Baarlamaanada Ruushka iyo Vietnam ayaa lagu qabtay Magaalada Moscow ee Caasimadda Ruushka.

Namibia

Namibia waxay martigelinaysa Shirka 3aad ee shirkadaha ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah kaas oo sanadkiiba mar la qabto.

Madashan oo socon doonta afar maalin, waxaa xooga lagu saari doona kobcinta awood-siinta maaliyadeed iyo hal-abuurnimada shirkadaha ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ee Africa, waxaana si rasmi ah u furi doona Madaxweyne ku xigeenka Namibia Netumbo Nandi-Ndaitwah.

Vietnam

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay, ku dhawaad 200 oo kalena waxaa soo gaaray dhaawac kadib duufaano ku dhuftay Vietnam.

Laamaha gurmadka dalkaas waxay baadi goob ugu jiraan 13 kalluumeysato ah oo la waayay, waxaana laga cabsi qabaa inay sare u kacdo tirada dhimashada

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay bishii 12-aad iyada oo aysan muuqanin rajo laga qabo inay dhacdo xabbad joojin marka laga eego mowqifyada labada dhinac sida ay u kala fogyihiin.

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dishay in ka badan 40 kun iyo 972 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 94,761 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 692 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 706, halka dhaawacana lagu sheegay 4,425, oo askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here