Thursday, September 19, 2024

Maxaa laga diiwaan geliyay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad ee Itoobiya?

Addis Ababa (Dawan)- Kaliya 5.4% ayaa ku baasay imtixaanka fasalka 12-aad ee dalka Itoobiya. Sidaas waxaa warbaahinta ka hor sheegay wasiirka waxbarashada, Berhanu Nega,

Waa natiijo aad u hooseysa balse Itoobiya waxay ku faaneysa inay tahay natiijo ka wanaagsan marka la barbardhigo tii sanadkii hore ee ahayd 3.1%.

Waan usoo laaban doona faahfaahinteeda laakin aan ku hormarno natiijada dowlad deegaanka Soomaalida.

DDS: waxaa gudbay kaliya 261 arday

Horaantii bishii July, waxaa imtixaanka shahaadiga ah ee dowlad deegaanka Soomaalida u fadhiistay arday gaareysay 21,225 arday laakin natiijadii soo baxday xalay waxaa lagu sheegay inay gudbeen kaliya 261 arday oo udhiganta 1.2%.

Sannadki hore waxaa baasay imtixaanka fasalka 12-aad kaliya 74 arday, iyada oo ay imtixaanka ka qaybgaleen  ilaa 22,000 arday.

Waxyaabaha kale ee laga diiwaan geliyay, waxaa ka mid ah in hal arday uusan ka baasin 158 Dugsi oo ku yaal dowlad deegaanka Soomaalida.

Waxaa isaguna jira hal dusgsi oo ay wada baaseen ardaydiisa, inkasta oo aysan noosuurta gelin inaan magaciisa helno.

Seddex arday oo kasoo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida ayaa kasoo muuqday ardayda ugu sareysa guud ahaan dalka Itoobiya.

Maamulka waxbarashada deegaanku waxa uu uu sheegay in kabis loo samayn doono qaar ka mid ah ardayda ku dhaw natiijada lagu baaso.

1,363 dugsi lagama baasin

Marka aan dib ugu laabano guud ahaan Imtixaanaadka Itoobiya, waxaa u fadhiistay arday lagu sheegay tiradooda 684,405 laakin waxaa gudbay 36,409 arday.

Ku dhawaad ​​8% ardaydu waxay imtixaanada ku galeen hannaanka onlin-ka.

Arday wax ka barta Iskuulka Kallamino ee ismaamulka Tigreega ayaa galay kaalinta koowaad ee imtixaankii shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2024, isagoo keenay 675 buundo waxaana laga rabay 700

Ardayda ugu badan ee baasay imtixaanka waxay kasoo jeedaan caasimadda Addis Ababa waxaana imtixaankii ka gudbay 10,690 arday, taasoo u dhiganta 21.4% guud ahaan ardayda gashay imtixaanka.

Arrinka kale ee cajiib ah ayaa ah in 1,363 dugsi laga waayay hal arday oo gudbay imtixaanka.

Gobolka Amxaarada waxaa imtixanka u fadhiistay kala bar ardaydii xaqa u leheed inay ka qayb qaataan imtixaanaadka shahadiga, waxaana loo sababeyay colaadaha ka taagan gobolkaas.

Gobolka Amxaarada waxaa weli ka socda iska hor imaadyo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo jabhadda Fano oo saameyn ku yeeshay adeegayadii muhiimka ahaa oo ay ka mid tahay waxbarashada.

Sannadkii hore, ku dhawaad ​​97% ardaydu waxay ku guuldaraysteen inay ka gudbaan buunada lagu baaso ee 50%.

845,000 oo arday oo imtixaanka u fadhiistay sanadki hore, waxaa gudbay kaliya 27,267 (3.2%) kuwaas oo xaq u helay inay galaan jaamacadaha.

Maxaa sababay inay bataan ardayda ku dhaceysa imtixaanka?

Sanadihii ugu dambeeyay natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee Itoobiya waa mid isku eg, waxaaana aad u batay ardayda ku dhaceysa imtixaanaadka.

Khubaradu waxay aaminsanyihiin in hannaanka Waxbarashada Itoobiya uu aad u hooseeyo, marka la eego agabka iyo manhajka loo adeegsado waxbarashada ee aadka u liita marka la barbardhigo casriga la joogo.

Wasaaradda Waxbarashadu waxay dhankeeda ku doodeysa in natiijadaan ay sabab u tahay dadaaladda la sameeyay ee looga hortegay qishkii imtixaanaadka.

Ardaydu waxa ay dhankooda sheeganayaan in loo keenay imtixaan aad u adag marka loo eego cashiradii ay qaadan jireen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here