Saturday, July 27, 2024

Amiirkii Kuwait oo geeriyooday

Kuwait (Dawan)- Dowladda Kawiat ayaa ku dhawaaqday inuu geeriyooday Amiirkii dalkaas, Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-Jaaber oo ahaa 86 jir.

Geerida Amiirka ayaa timid kadib maalmo uu xanuunsanaa.

Amiirka Kuwait ayaa galay Isbitaal bishii November si baaritaano iyo daaweynta lagama maarmaanka ah loogu sameeyo, waxeyna warbaahinta dalkaas soo warineysay maalmihii lasoo dhaafay inuu soo roonaaday.

Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-Jaaber ayaa loo magacaabay dhaxal sugaha Kuwait 2006, wuxuuna Amiirka dalkaas noqday 2020 kadib dhimashadii walaalkiis Sheekh Sabaax Al-Axmed Al-Jaaber.

Amiirka hadda geeriyooday waxaa dhaxli doona walaalkiis oo ay isku aabo yihiin kaas oo lagu magacaabo Sheekh Meshaal Al-Axmed Al-Jaaber oo 83 jir ah.

Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-Jaaber ayaa dhashay sannadkii 1937-kii, wuxuuna ahaa wiilkii lixaad ee uu dhalay Sheekh Axmed Al-Jaber Al-Sabah, oo ahaa hoggaamiyihii dalka Kuwait 1921-kii ilaa uu ka geeriyooday 1950-kii.

3-dii sano ee uu Sheekh Nawaf xukunka hayay, waxaa uu soo dhisay 7 xukuumadood.

Tacsida Soomaaliya

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Villa Somaliya ayay Dowladda Soomaaliya uga tacsiyeysay geerida ku timid Amiirkii Kuwait, Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-Jaaber.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Dowladda iyo Shacabka Kuwaiti ee walaalaha ah uga tacsiyeynaya geerida ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-Jaber.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale umadda Carabta iyo Islaamka uga tacsiyeeyay hoggaamiyaha weyn ee ka baxay, isaga oo Alle uga baryay inuu Jannada ka waraabiyo”.
ayaa lagu yiri, qoraalka Villa Somalia.

Dowladda Kuwait ayaa ka mid ah dowladaha Carabta ee Soomaaliya ka caawiya arrimha bini aadantiniamda iyo waxbarashada, waxaana lagu tiraya dowladaha yar ee aan farag gelin ku samaynin arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here