Thursday, September 19, 2024

Jabuuti oo dagaal kula jirta ganacsiga sharci darrada ah

Jabuuti (Dawan)- Ciidamada Canshuuraha Gobolka Cali Sabiix ee Jabuuti ayaa gacanta kusoo dhigay walxo ay ku sheegeen kontorobaan oo la doonayay in si sharci darro ah dalka Jabuuti lagu soo geliyo.

Waxyaabaha ay ciidamada qabteen waxaa ka mid ah 7 kartoon oo caano ah, cabitaano sajalan, sigaar noocyadiisa kala duwan, iyo 2,500 kg oo qaad ah. 

Ciidamada ayaa goob fagaara ah ku gubay dhamaan alaabahaas ee la doonayay in dalka lasoo geliyo. Waxaa sidoo kale shalay Ciidamada Canshuuraha oo kaashanaya kuwa Militariga Jabuuti ay gacanta ku dhigeen qaad si kontorobaan ah loo soo geliyay dalka, kaas oo ay sidoo kale goob fagaare ah ku gubeen.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee waxyaabo sharci darro ah la qabto laguna gubo gudaha Jabuuti, iyadoo ciidamada amniga iyo maamulka canshuuraha ay marar badan sameeyeen howlgallo looga hortegayo walxaha kontorobaanka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here