Saturday, July 27, 2024

Isku aadka koobka qaramada Africa oo la shaaciyay

Abidjan (Dawan)- Xaflad weyn oo ay kasoo qeyb galeen xiddigaha kubadda cagta ugu caansan ee qaaradda Africa iyo mas’uuliyiinta kubadda cagta ee qaaradda ayaa lagu qabtay magaalada Abidjan, si loo sameeyo isku aadka koobka qaaradda Africa ee sannadka 2024.

Tartanka 34-aad ee koobka qaramada Africa ayaa sannadkaan lagu qaban doona dalka Ivory Coast.

24-ka dal ee ka qeyb gelaya koobka ayaa loo qeybiyay lix Group, waxayna isagu aadeen sida soo socota

Kulamada ciyaaraha koobkaan waxaa lagu qaban doonaa 6 garoon oo loo qaybiyay 5 magaalo, kuwaas oo kala ah Abidjan, Yamoussoukro, Bouaké, Korhogo iyo San Pedro.

Ciyaarta furitaanka tartanka ayaa lagu wadaa in ay dhexmarto xulalka Ivory Coast iyo Guinea-Bissau.

Masar ayaa heysata koobabka ugu badan, waxeyna ku guuleysatay koobka qaramada Africa toddobo jeer, halka ay kaalinta labaad ku jirto Cameroon oo ku guuleysatay koobkaan shan jeer.

Senegal ayaa ah dalkii ugu dambeeyay ee ku guuleysta kooba sannadkii lasoo dhaafay ee 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here