Thursday, September 19, 2024

Norway iyo Switzerland oo maalgelinaya dhismaha wasaaradda Gudaha Soomaaliya

Muqdisho (Dawn)- Dowladaha Norway iyo Switzerland ayaa maalgelinaya dhismaha cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo maanta la dhagax dhigay kadib markii laga raray dadkii deganaa muddada dheer.

Dhaxdhigga oo uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin kale iyo wakiilo ka socday dalalka taageerada maaliyadeed ku bixinaya dhismaha wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha oo goobta ka hadlay waxa uu tilmaamay sida ay lama huraan u tahay in la dhiso xarumo tayo leh oo awooda inay bixiyaan adeegyo dan u ah muwaadiniinta, isaga oo ballan qaaday inay sii ballaarin doonaan dib u dhiska xarumaha kale ee dowladda kuwaas oo ku burburay dagaaladdii soo maray magaalada.

Mirko Giulietti oo xaruntiisu tahay Nairobi ayay Switzerland usoo magacawday dhawaan safiirkeeda Soomaaliya si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

Mirko waxa uu dublamaasiyadda ku biiray sannadkii 1999-kii, isaga oo kasoo shaqeeyay meela badan sida Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here