Thursday, September 19, 2024

Gobolka waqooyi-bari Kenya oo loo ballan qaaday mashaariic horumarineed

Garissa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa shaaciyay in dowladda mudnaan gaar ah siisay dardargelinta mashaariic horumarineed oo laga fulinayo gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan ismaamullada Garissa, Wajeer, iyo Mandera.

Mashaariicdan ayaa la fulin doonaa iyada oo la kaashanayo saaxiibbada Kenya, waxaana lagu bixin doonaa lacag dhan 300 bilyan oo shilin.

Ujeedada mashaariicdan ayaa ah in deegaannada xoolo dhaqatada laga sameeyo horumar dhaqaale iyo mid bulsho, iyadoo diiradda la saarayo kaabayaasha dhaqaalaha sida gaadiidka, wax soo saarka beeraha, biyaha, caafimaadka, waxbarashada, tamarta, iyo badbaadinta bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Kenya oo kaashanaysa Bangiga Adduunka iyo hay’adaha kale ay u suurta gashay dhaqangelinta mashaariicdan, kuwaas oo fulintooda loo marayo heerar kala duwan.

Barnaamijkan oo ka tirsan hindisaha horumarka ee NEDI waxaa ka faa’iideyn doona ismaamullada Galbeedka Pokot, Turkana, Samburu, Isiolo, Marsabit, Tana River, Lamu, Garissa, Wajeer, iyo Mandera.

Mashaariicda la fulinayo waxaa ka mid ah dhisidda waddo weyn oo dhererkeedu yahay 740 kiiloomitir, taasoo isku xiri doonta Isiolo, Wajeer, iyo Mandera. Sidoo kale, waxaa la hirgelin doonaa sayladaha xoolaha laga dhoofiyo ee Isiolo, dib u dayactirka machadka tababarka culuunta dhaqashada xoolaha ee Wajeer, iyo in la qodo ilaa 400 ceel oo biyaha laga heli karo.

Barnaamijkan horumarineed ayaa loogu talagalay in lagu kobciyo dhaqaalaha deegaannada xoolo dhaqatada, iyadoo la xoojinayo adeegyadii asaasiga ahaa ee bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here