Friday, September 20, 2024

Madaxda Amniga Kenya oo qiimeynaya xaaladda amni ee waqooyi-bari

Wajeer (Dawan)- Ismaamulka Wajeer ee gobolka waqooyi-bari waxaa soo gaaray madaxda ugu sareysa laamaha amniga ee Kenya kuwaas oo socdaal ku maraya deegaanada gobolka.

Ujeedada safarka ee uu hoggaaminayo ku simaha Abaandulaha Ciidamada, Gilbert Masengeli, ayaa ah in lagu qiimeeyo xaaladda amniga ee ismaamullada Waqooyi Bari, si loola socdocaqabadaha amni ee gobolka, xiriirka hay’adaha amniga, qorshaha lagu hagaajinayo ammaanka bulshada iyo ka hortagga falalka sharci-darrada ah.

Ku simaha Abaandulaha Ciidamada, Gilbert Masengeli, ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan hagaajinta nabadgelyada, la dagaalanka ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, soo galootiga aan sharciyeysneen, iyo maandooriyaha.

Safarkaan shaqo ayaa ku soo aadaya xilli deegaanadda gobolka waqooyi-bari ee Kenya ay dhawaanahaanba ka dhacayeen falal ka dhan ah amniga, kuwaas oo qaarkood ay dad ku dhinteen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here