Saturday, July 27, 2024

Howl wadeenada caafimaadka Kenya oo sheegay inay sameynayaan shaqo joojin

Nairobi (Dawan)- Ururka ay ku mideysan yihiin dhaqaatiirta dalka Kenya ee loo yaqaano (KMPDU) ayaa shaaciyay in dhamaadka toddobaadkan ka dib ay geli doonaan shaqo joojin guud.

Go’aanka howlwadeenada caafimaadka Kenya ayaa yimid kadib markii lagu guul darreystay in xal laga gaaro wada xaajood u socday mas’uuliyiinta ururkaan iyo Wasaaradda Caafimaadka Kenya.

Wada hadallada ayaa ku saabsanaa sidii ay dhaqaatiirtu u heli lahyaan xaquuq dhameystiran, dallacsiin iyo in la shaqaaleysiiyo shakhsiyaadka soo bartay caafimaadka.

Dhanka kale ururka saraakiisha caafimaadka ee isbitaallada ka bixiya daawooyinka ee (KUCO), ururka qaran ee kalkaaliyayaasha ee (KNUN), iyo ururka qaran ee dhaqaatiirta qaabilsan dhanka nafaqada iyo qaadashada cuntooyinka iskudheellitiran ayaa xubnahooda ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan shaqooyinka 14 cishe ka dib.

Dadweynaha Kenya ayaa wajihi doona dhibaato culus haddii aysan Dowladdu qaadin tallaabo lagu baajinayo shaqa joojinta dhaqaatiirka iyo howlwadeenada caafimaadka oo ay adkaa doonto in la buuxiyo booskooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here