Friday, September 20, 2024

Kenya oo beenisay in shirkad ajnabi ah lagu wareejiyay garoonka Jomo Kenyatta

Nairobi (Dawan)- Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka Kenya, Davis Chirchir ayaa beeniyay wararka sheegaya in shirkadda Adani ee laga leeyahay dalka Hindiya lala galay heshiis kama dambeys ah oo muddo 30 sano loogu wareejinayo maareynta garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee  Jomo Kenyatta.

Wasiirku waxa uu guddiga arrimaha waddooyinka , gaadiidka iyo guriyeynta ee Aqalka Sare u sheegay in wada hadallada arrinkan ku aaddan ay marayaan heer sare balse ilaa iyo hadda aan la saxiixin is-afgarad dhameystiran.

Chirchir ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay ku howlan tahay in la qiimeeyo awoodda farsamo iyo midda dhaqaale ee shirkadda Adani iyadoo la adeegsanayo nidaamka maalgashiga ee u dhexeeya dowladaha iyo waaxyaha gaarka ah ee loo yaqaano (PIP).

Wasiirka ayaa xusay in ilaa iyo hadda lagu heshiiyay kaliya qodobbada shuruudaha wada xaajoodyada, isaga oo caddeeyay inuusan jirin hadda wax heshiis ah oo ay wada gaareen labada dhinac.

Guddiga arrimaha waddooyinka , gaadiidka iyo guriyeynta ee Aqalka Sare ayaa u yeeray wasiirka kadib markii ay shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta  ay sameeyeen shaqo joojin ay uga soo horjeedaan in shirkad ajnabi ah lagu wareejiyo maamulka garoonka.

Shaqaaluhu waxay ku doodayan in heshiiska Shirkadda Adani iyo xukuumadda uu horseedi doono in muwaadiniin badan waayaan shaqadoda, iyada oo lagu bedeli doono shaqaale aan Kenyan ahayn.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa Isniintii lasoo dhaafay si ku meel gaar ah u hor istaagtay qorshaha ay shirkadda Adani ku dooneyso inay dhisto dhabaha diyaaradaha ee cusub, isla markaana ay cusboonaysiiso terminalka rakaabka.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here