Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Iran oo dib usoo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed

New York (Dawan)- Dowladaha Jabuuti iyo Iran ayaa ku dhawaaqay Jimcihii  inay dib u soo celiyeen  xiriirkoodi  diblomaasiyadeed kadib todobo sano.

“Maanta, Iran iyo Jabuuti waxay ku dhawaaqeen dib u soo celinta xiriirkooda diblomaasiyadeed”  ayuu bartiisa X ku qoray, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Xuseen Amiir.

Go’aanka labada dowladood ayaa yimid kadib markii Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhiggiisa Iran ay wada xaajood ku yeesheen magaalada New York oo ay uga qeyb gelayaan Kalfadhiga 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegtay in labada dal ku heshiiyeen hormarinta xiriirka saaxibtinimo iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee danta u ah muwaadiniinta labada dowladood.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ahayd dowladihii u jaray xiriirka diblomaasiyadeed Iran kadib markii khilaaf xoogaan oo soo kala dhex galay dowladaha Sacuudiga iyo Iran

Heshiiska Jabuuti iyo Iran ayaa kusoo beegmaya kadib dhowr bilood markii Shiinuhu ku guuleystay inuu dhex dhigo heshiis  lagu soo celinayao xiriirka  dowladaha sacuudiga iyo Iran.

Iran ayaa xoojisay inay soo celiso xiriirkii kala dhexeeyay dowladaha Carabta kadib markii ay heshiis kala saxiixdeen Boqortooyada Sacuudiga bishii Maarso ee sannadkaan, waxeyna u aragtaa dib usoo celinta xiriirka Jabuuti mid muhhim ah marka loo eego meesha istiraatiijiga ah ee ay dhacdo Jabuuti.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here