Friday, September 20, 2024

Mareykanka oo ku baaqay in diblumaasiyad lagu xaliyo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Muqdisho (Dawan)- Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard Riley ayaa tilmaamay in dalkiisu ka shaqaynayo sidii xal diblumaasiyadeed looga gaari lahaa khilaafka ka dhex jira Soomaaliya iyo Itoobiya ee soo billaawday kadib markii Addis Ababa ay heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland taas oo ka careysiisay Muqdisho sababtayna in gobolku galo xiisad cusub.

Safiirka oo wareysi siiyay idaacadda VOA ee laga leeyahay Mareykank ayaa yiri; “Aad ayaan uga warqabnaa , waxaana kawada shaqaynaynaa in xal diblumaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta,” isaga oo ku tilaamay khilaafka soo kala dhexgalay labada dal ee deriska ah arrin nasiib darro ah.

Richard Riley ayaa intaas ku daray inaysan aqoonsanin is-afgaradkii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland ee sababay khilaafkan hadda taagan, wuxuuna xusay inay doonayaan inay ku xalliyaan hannaan diblomaasiyadeed.

Riley ayaa rajo ka muujiyay wareegga seddexaad ee wadahaadallada lagu ballansanyahay inay Soonmaaliya iyo Itoobiya ku dhexmaraan bishaan markale Turkiga.

Dhanka kale, waxa uu safiirku xusay in Mareykanku yahay deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya kana taageeraha dhanka ammaanka, isaga oo intaas ku daray in Mareykanku ka cafiyay Soomaaliya in ka badan $1 milyan oo deyn ah, wuxuuna ballan qaaday inay taageeri doonaan howlgal kasta oo ujeedkiisu yahay in Soomaaliya laga dhigo meel nabdoon.

Tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa jiray dhowr dowladood oo isku dayay in xaaladda la qaboojiyo, sidoo kale waxaa Turkiga ka dhacay laba wareeg oo wadaxaajood ah, lagamana gaarin wax natiijo ah dhammaan dadaalladaas.

Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa in Itoobiya ay ka laabato is-afgaradkii ay la gashay Somaliland halka Addis Ababa ay dooneyso damanaad qaad ay ku gaari karto badda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here