Saturday, July 27, 2024

Maxaa soo jiitay gabadhaan ajnabiga ah oo ay Soomaaliya ku aragtay ?

Muqdisho (Dawan)- Xasiloonida iyo nabadda soo hagaageysa ee guud ahaan Soomaaliya, waxey keentay in dalka ay soo booqdaan Qurba-joogta Soomaaliyeed iyo ajaanib kala duwan oo isagu jira mas’uuliyiin, ganacsato, cilmi baarayaal iyo dalxiisayaal.

Waayadii ugu dambeysay, waxaa soo batay dalxiisayaalka imaanaya deegaanada Soomaalida, haba ugu badnaadaano magaalooyiinka waaweyn oo ay ugu horeyso caasimadda Muqdisho.

Dadka booqashada ku yimaada Muqdisho, waxaa ugu badan dhallinyarada caanka ka ah social media ee ka kal socda wadamada Carabta, Afrika iyo qaar ka mid ah Asia.

Lackshimi (sida ugu qoran Tik Tok) waa gabar kasoo jeeda Inida oo dhawaan booqasho ku timid Muqdisho, waxeyna kusoo bandhigaty mid ka mid ah video ay soo dhigtay barteeda in Soomaaliya iyo dalkeeda ay wadaagaan ama isaga dhawyihiin waxyaabo badan sida dharka, cuntada iyo dhaqamo kale kuwaas oo dareensiiyay sida in ay joogto magaalo ka mid ah India.

Waxyaabaha ay wadagaan Soomaalida iyo Hindida:

Canjeerada oo ay Hindidu u taqaano Dosa, Sambuuska iyo Bajiyaha ayey Lackshimi sheegtay in ay soo xasuusinayaan cuntadii fududeyd ee dalkeeda ku cuni jirtay. Canjeeradu waa cunto maalmeed ay Soomaalidu wada taqaano, halka Sambuuska uu ka mid yahay cuntooyinka fudud ee galabti lagu casiryeysto ama munaasabadaha loo adeegsado. Waxaa xusuus ah in Soomaalidu aad u istcimaasho Sambuuska xilliga Soonka.

Macmacaanka iyo Shaaha caddeyska ayaa iyaguna ah waxyaabo ay Soomaalida iyo Hindidu wadaagaan. Lackshimi waxaa soo jiitay sida ay Soomaalidu u cabto Shaaha iyo sida fudud ee looga heli karo goob kasta, sida ay tilmaamtay waxa ay soo xasuusatay sida dalkeeda Shaaha looga cabo iyada oo xitaa la wareejiyo waddooyinka.

Macmacaanka Hindida waxaa dalkeena ku badiyay, Ganacsatada Soomaalida ee kasoo adeegata Inida kuwaas oo keena dalka waxyaabo badan oo laga isticmaalo gudaha India.

Lackshimi waxaa cajab geliyay sida Soomaalidu ula heysato filimada Hindida, waxayna sheegtay in Soomaalida qaarkood ay xifdisanyihiin heesaha Hindida,sidoo kalena ay aad u kala garanayaan jilayaasha Bollywood-ka.

Sida ay sheegatay, waxaa guri kasta oo ay booqato laga daawada filimida Hindida.

Laadhuuga ayaa ka mid ah ciyaaraha ay labada shacab mataaneeya , kaas oo inta badan la iskau madadaaliyo xilliyada la joogo goobaha lagu caweeyo habeenki.

Lackshimi waxay si gaar u muujisay labis wadaaga dumarka Soomaalida iyo Hindida, iyada oo sheegtay in suuqyada Soomaalida laga heli karo dharkii ay ku qaadan jirtay dalkeeda ama kuwa u eg.

Waxaa soo jiitay diracyada Soomaalida ee loo yaqaano Bacweynaha oo inta badan ay dumarka Soomaaliyeed qaataan, marka ay aadayan aroosyada iyo sidoo kale Dahabka. Diracyadaan iyo Dahabka ayey Lackshimi ku sheegtay dhaqan mideeya dumarka labada dal.

Asaxaabteeda ku xiran barteeda Tik Tok ee kasoo kala jeeda Soomaalida iyo Inidia ayaa aad ugu riyaaqay sida ay usoo bandhigtay arrimahaan ay wadaagaan laabada dhacab, iyadaga oo kasii codsaday in ay sii baadi goobto waxyaabo kale, maadama xiriirka Soomaalida iyo Hindidu billawday xilli hore.

Ajaanibta soo booqata Soomaaliya ayaa si kala duwan uga qeyb qaata dalxiiska iyo sumcadda dalka, qaarkood waxa ay soo bandhigaan dhaqamada wanaagsan ee Soomaalida, dib u dhiska iyo horumarka socda, halka kuwa kale ay soo bandhigaan sawiro muujinaya dhibaato iyo amni xumo.

Sannado ka hor waa adkeed inaad aragto qof ajnabi ah oo socda waddooyinka magaalada Muqdisho laakin hadda waxaad ku arkeysa goobaha ganacsiga, xeebaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda ama kuwa gaarka loo leeyahay.

Su’aasha ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah, dowladda Soomaaliya mala socotaa ajaanibta soo geleysa dalka iyo ujeedooyinka ay u yimaadaan?

@lostshmi

It’s so cool to travel and be able to find a piece of home whereever I go!😊 #mogadishu #somalia #bollywood #indiangirl

♬ original sound – Lakshmi Parthasarathy

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here