Thursday, September 19, 2024

ONLF oo eedeyn culus u jeedisay xukuumadda Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Jabhadda Xoraynta Ogaadeenya (ONLF) ayaa ku eedeysay xukuumadda Itoobiya inay ka waddo dowlad deegaanka Soomaalida tiilaabooyiin baalmarsan dastuurka dalkaas iyo heshiiskii nabadda ee 2018 ay wada galeen ONLF iyo dowladda Itoobiya.

Jabahddu waxay war-saxaafadeed ay soo saaratay maanta ku sheegtay in odayaal, haween iyo dad ka tirsan qaybaha bulshada lagu qasbay inay TV-ga kasoo muuuqdaan iyaga oo dafiraya Soomaalinimadooda

Sidoo kale, waxay jabhaddu ka digtay in wax ka bedel lagu sameeyo calanka iyo magaca dowlad deegaanka Soomaalida.

Hadalkan ayaa daba socda baaq ay dhawaan soo saareen odayaal ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida, kuwaas oo ugu baaqay dadka Soomaalida ee deegaanka in ay ka waantoobaan dagaal aan iyaga quseyn, waxayna walaac ka muujiyeen in gobolka la keeno ciidamo cusub oo abuuri kara xasilooni darro.

Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xumaaneyso xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

ONLF ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya inay ixtiraamto xuquuqda dastuuriga ah ee dadka Soomaaliyeed, ayna ilaaliso qodobbada ku xusan heshiiska nabadda.

Maalmo ka hor, ONLF waxay soo saartay bayaan ay si adag ugu cambaaraysay hadal uu yiri abaanduulaha ciidamada Itoobiya oo ahaa in dowladda Masar sameysay jabahadda ONLF, waxayna xukuumadda Itoobiya ka codsatay in hadalkaas laga bixiyo jawaab cad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here