Saturday, July 27, 2024

Xulka Soomaaliya oo markale laga badiyay

Morocco (Dawan)-  Xulka kubadda cagtaa ee Qaranka Soomaaliya ayaa guul darro la kulmay kulankii labaad ee saaxibtinimada ahaa ee ay la ciyaareen xulka Sierra Leone

Kulankaan oo ka dhacay garoonka Berrechid Municipal Stadium ee dalka Morocco oo hadda u ah Guriga (Home) Xulka Soomaaliya ayaa kusoo dhamaaday 2 gool iyo waxba oo looga badiyay Soomaaliya.

Waa kulankii labaad ee laga badiyo isbuuc gudihiis xulka Soomaaliya kadib guul darraddii ay kala kulmeen dalka Niger, Sabtigii lasoo dhaafay.

Ciyaartooyda Soomaaliya ayaa muujyay dadaal badan, iyaga oo abuuray fursado badan laakin u beddeli waayay goolal.

Falanqeeyaalka ciyaaraha ayaa tilmaamay in ciyaartooyda Soomaaliya u baahanyihiin isla qabsi iyo in ay waqti badan wada qaataan, si ay iskula jaan qaadaan.

Macallinka iyo ciyaartooyda ayaa looga fadhiya in ay wax ka beddelaan qaab ciyaareedkooda kulanka soo socda ee ay la ciyaari doonaan xulka Algeria ( 15 November ).

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dadaal badan ku bixiyay, sidii Qaranka Soomaaliya u ciyaari lahaa kulamo saaxibtinimo, kuwaas oo muhiim u ah diyaargarowga ciyaaraha isreeb-reebka koobka Adduunka 2026.

Xulka Qaranka oo diyaar garow ugu jira isreeb-reebka koobka Adduunka 2026, wuxuuna Group kula jiraa wadamada Algeria, Mozambique, Botswana, Guinea, iyo Uganda.

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay xulka 17-da Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ayaa billaabay in ay ku qancaan metelaadda Soomaaliya taas oo markii hore aad u cusleed iyada oo loo sababeynayo isbeddelka ka dhacay kubadda cagta iyo guud ahaan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here