Sunday, September 22, 2024

Ruto oo ku faanay in Kenya ay wax ka qabatay amniga Haiti

Haiti (Dawan)- Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa booqasho ku tegay dalka Haiti, isagoo ku faanay in amniga dalkaas uu soo hagaagay kadib markii ay gaaraan ciidamada Boliiska dalkiisa oo ka qayb qaatay sugidda xasilooniida iyo la dagaalanka kooxaha hubeysan.

Sheegashada Ruto ayaa ka hor imaaneysa khabiir dhanka ammaanka ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay, kaas oo maalmo ka hor ka digay in rabshadaha Haiti ka jira ay sii darayaan, iyadoo kooxaha kasoo horjeeda dowladda ay soo xoogeeysteen bilihii lasoo dhaafay.

Ruto waxa uu booqday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha halkaas oo uu kula kulmay ciidamada Boliiska ee loo xilsaaray la dagaalanka kooxaha burcadda ah iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Haiti iyo Canada.

“Waxaad dadka Kenya ku metesheen geesinimo, karti, xirfad, is-xilqaan iyo naxariis,” Ruto ayaa sidaas u sheegay ciidamada uu la kulmay.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Kenya ay ka qaybqaateen xoojinta laamaha amniga ee dalkaas, iyaga sidoo kale kaalin ka qaatay sidii barakacayaasha dib loogu celin lahaa guryahooadi kadib markii ay yaraadeen rabshadihi socday.

Kenya waxay ka mid ahayd waddamadii ugu horreeyay ee dira ciidammo qayb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu taageerayo dowladda Haiti, kadib markii uu dalkaas galay colaad iyo jahawareer siyaasadeed tan iyo 2021-kii markii la dilay Madaxweyne Jovenel Moïse.

Ilaa 400 oo Boliiska Kenya ah ayaa ku sugan Haiti. Horaantii bishaan, ilaa labaatameeyo Boliis iyo askar ka timid Jamaica ayaa kusoo biiray, laakiin weli waxaa jirta baahi loo qabo ciidamo dheeraad ah si looga adkaado kooxaha kasoo horjeeda dowladda kuwaas oo gacanta ku haya 80% caasimadda Port-au-Prince.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here