Sunday, September 22, 2024

Masar oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Somaliland

Qaahira (Dawan)- Masar ayaa muwaadiniinta uga digtay inay u safraan Somaliland, waxayna ugu baaqday kuwa hadda ku sugan inay uga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyaga oo adeegsanaya garoonka diyaaradaha ee Hargeysa

Wargayska Al-Ahram oo soo xiganaya safaaraddda Masar ee Soomaaliya ayaa sheegay in muwaadiniinta Masar loogu baaqay inaysan u safrin Somaliland, iyadoo la eegayo saamaynta nabad-gelyo la’aanta ay ku leedahay ammaankooda.

Safaaraddu waxay sheegtay in xaaladda ammaan ee hadda ka jirta ay xadideyso awoodda howlihii qunsuliyadeed ee loo fidin lahaa Masaarida ku sugan Somaliland

Safaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday muwaadinteeda doonaya inay u kala gooshaan gobollada Soomaaliya inay si buuxda ugu hoggaansamaan habraacyada ay go’aamiyaan hay’adaha awoodda u leh ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tillaabadan ayaa kusoo aadeysa todobaad kadib markii Somaliland ay albaabada isagu laabtay Maktabadda Dhaqanka Masar ee Hargeysa, iyada oo shaqaalaha ka howlgalana u qabtay inay Somaliland uga baxaan 72 saacadood gudahood.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Masar ku eedeeyay inay kasoo horjeedo gooni isu taagga Somaliland, iyada oo waxkasta u samaynayasa sidii ay u taageeri leheed midnimada Soomaaliya. Arrintaas waxa uu ku tilmaamay mid aan caddaalad ku dhisnayn iyo faragelin ay Masar ku samaynayso khilaaf u dhaxeeya Soomaalida.

Wareysi uu siiyay TV-ga Al-Carabiya, waxa uu yiri; Waxaan u aragnaa in dowladda Masar ay ka soo horjeedo gooni isu taagga Somaliland, taasna aqbali mayno

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here