Sunday, September 22, 2024

Kaahin: Xuutiyiinta iyo AS waxaa ka dhaxeeya xiriir adag

Hargeysa (Dawan)- Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland ayaa sheegay in xiriir adag iyo wadashaqayn ay ka dhaxeeyaan kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo ururka Al-shabaab ee Soomaaliya, isaga oo timaamay in loo baahanyahay in la iska kaashado sidii looga horetgi lahaa falalkooda.

Kaahin oo waryesi siiyay TV-ga Al-Carabiya ayaa yiri, sida soo socota;

  • Xuutiyiinta iyo Al-shabaab waxaa ka dhaxeeya isbahaysi iyo wadashaqayn adag si ay halis u geliyaan amaanka gobolka
  • Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa inay qaado tillaabadii ay wax uga qaban lahayd wadashaqaynta iyo heshiiska u dhaxeeya labada dhinac
  • Sidoo kale beesha caalamka waa in ay kaalin weyn ka qaadato sidii loo xakameyn lahaa dhaq-dhaqaaqan halista ku ah isu socodka ganacsi ee gobolka
  • Dowladda Somaliland, kaligeed mas’uuliyadi kama saarna ilaalinta nabadgelyada marinnada badda cas

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here