Monday, September 23, 2024

Jabuuti oo daahfurtay ballaarinta waddada Kilometer 13 ee Carta

Jabuuti (Dawan)- Iyada oo laga duulayo siyaasadda xukuumadda ee hormarinta waddooyiinka magaalooyiinka waaweyn ee Jabuuti ayaa la daahfuray mashruuca ballaarinta waddada Kilometer 13 ee Carta. Mashruucaan waxa Jabuuti ka taageeraya Bangiga Adduunka.

Sida uu qoray wargeyska Al-Qarni ee ka soo baxa dalka Jabuuti, mashruuca waddada 13ka Kiiloomitir ee Carta ayaa ah mid ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ee la doonayo in kor loogu qaado tayada waddooyinka iyo isu socodka gaadiidka ee caasimadda iyo magaalooyiinka kale ee dalka.

Mashruuca ballaarinta waddadan ayaa sidoo kale ka qayb qaadana inuu yareeyo ciriiriga ay la kulmaan gawaarida iyo gaadiidka kale ee isaga goosha Jabuuti iyo Itoobiya.

Waddada waxaa loo dhamaystiraya dhammaan adeegyada waddooyinka casriga ah sida nalalka, tilmaamaha nidaamka waddooyinka iyo marinada biyaha.

Howlaha Bangiga Adduunka ee Jabuuti wuxuu ka kooban yahay 19 mashruuc oo qiimahoodu dhan yahay $401.3 milyan, kuwaas oo diiradda saarayaa waxbarashada, caafimaadka, badbaadada bulshada, tamarta, horumarinta reer miyiga iyo magaalooyinka, casriyaynta maamulka dowladda, horumarinta dhijitaalka ah, xoojinta maamulka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyada oo xooga la saarayo haweenka iyo dhalinyarada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here