Saturday, July 27, 2024

C/Kariim Guuleed: Wax iska beddelay wadahadalladdii Soomaaliya iyo Somaliland ma jiro

Muqdisho (Dawan)- Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa ka hadlay halka ay marayaan waada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland, xilli uu ka qeyb gelayay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu xusaayay sannad guuradii 25-aad ee kasoo wareegatay markii dhidibada loo taagay Dusgiga Axmed Gurey.

Ergayga ayaa sheegay in aysan jirin wax is ka beddelay siyaasaddii dowladda Soomaaliya ee ku aadaneyd Wadahadallada Somaliland, isaga oo ballan qaaday in ay sii socon doonaan wadahadallada si loo gaaro xal waara.

Hadalka Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kusoo beegmaya iyada oo ay Somaliland si adag uga hortimid go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku aqoonsatay maamulka kumeel gaarka ah ee SSC Khaatumo.

Somaliland ayaa ku tilmaamtay go’aanka Soomaaliya inuu la mid yahay weerar lagu soo qaaday qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland, kaas oo wax u dhimi kara xasiloonida Geeska Afrika.

Somaliland ayaa baadi goob ugu jirtay in ay aqoonsi ka hesho caalamka in ka badan 30 sano, waxeyna ku guuleysatay in ay qabato doorashooyin kala duwan kuwaaas oo ay ku dooneysay in ay caalamka uga hesho in loo aqoonsado dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

11 sano ayaa laga joogaa markii dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland uu dhexmaray wada hadalkii ugu horeeyay kadib ku dhawaaqistii gooni isku taaga Somaliland oo hada laga joogo 32 sano.
Dhowr isku day oo ay dowladda Soomaaliya ku dooneesay midnimo kale mudadaas ma jirto wax natiijo ah oo laga gaaray midowga Somaliland iyo Soomaaliya.

Somaliland ayaa dhawaan caddeysay mowqifka nuuca wada hadal ee ay le geleyso Soomaaliya, iyada oo meesha ka saartay qorshaha ah in laga wada hadal midnimo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here