Monday, September 23, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danijirenimo ka guddoomay Safiirrada Lix dal, kuwaas oo Soomaaliya ay u soo magacaabeen dalalka Guinea, Ireland, Romania, Spain, Switzerland iyo Zambia.

Muqdisho

Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa xukuno kala duwan ku riday qoys ku eedeysanaa in ay maalgalinayeen ururka Al-shabaab. Xasan Cusmaan Aadan ayaa lagu xukumay 13 sanno oo xarig ah iyo 20 kun oo dollar.

Faadumo Xasan Cusmaan, Aamina Cabdullaahi Abbanuur iyo Xasna Aweys Qaasim ayaa lagu xukumay min labba sanno oo xarig ah.

Garoowe

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Puntland ayaa mamnuucday in l isticmaalo ama laga ganacsado bacaha wixii ka dambeeya 22 October. Muddada ay dowladda Federaalka u qabatay isticmaalka bacda ayaa ku eg 30 bisaan September.

Paris

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhi doona Paris, Maxamed Cali Nuur.

Itoobiya

Itoobiya ayaa maanta billoowday dhoofintii ugu horeysaya ee xoolaha iyada oo loo adeegsanayo tareenka isku xira Itoobiya iyo Jabuuti. Xoolahan ayaa dekaaddaha Jabuuti looga sii gudbin doono dunida kale.

Tanzania

Boliiska Tanzania ayaa mar kale xiray laba hoggaamiye oo ka tirsan mucaaradka, iyada oo magaalada ganacsiga ee Dar es Salaam ay ka socdaan bannaan baxyo looga soo horjeedo dowladda

Senegal

Ugu yaraan 30 mayd ah oo jirkeedu go’ go’ay ayaa laga helay doon maraysay meel 70 km u jirta xeebta caasimadda Senegal ee Dakar, sida laga soo xigtay milatariga dalkaas.

Koonfur Africa

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo qaab dhismeedka hay’adaha Qaramada Midoobay , isaga oo sheegay in Golaha Ammaanka ku guul darreystay inuu wax ka qabto howlihii loo igmaday.

Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 182 qof ay ku dhinteen 727 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha xoogan ee Israel ka fulisay koonfurta Lubnaan.

Sri Lanka

Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka Anura Kumara ayaa loo dhaariyay xafiiska, isagoo ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono musuqa iyo dhaqaala xumada ka jirta dalkaas.

Suuriya

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda Faysal al-Miqdad inuu qabto jagada Madaxweyne ku xigeenka dalka.

Falastiin

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen tan iyo markii uu billaawday dagaalka Gaza in ka badan 41 kun iyo 431 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 95 kun iyo 818 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 716 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 715 , halka dhaawacana lagu sheegay 4,466, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here