Sunday, May 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

TÜRKIYE

Ankara – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo dhoweeyay amiirka cusub ee dalka Kuwait Sheekh Mishcal Al-Axmad oo booqasho ku tagay Turkiga.

Labada hoggaamiye ayaa kawada hadlaya xiriirka labada dal, iyada oo lagu wado in ay kala saxiixdaan dhowr heshiis oo kor loogu qaadayo iskaashiga labada dhinac.

GERMANY

Berlin- Hoggaamiyaha Jarmalka Chancellor Olaf Scholz iyo Madaxweynaha Bosnia Denis Becirovic ayaa kawada hadlaya qorshaha ay Bosnia ku dooneyso in ay ugu biirto Midowga Yurub iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka.

UK

London – Dad ka careysan weerarada Israel ee Gaza ayaa isagu soo baxay afaafka hore ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, iyaga oo dalbanaya in la joojiyo xasuuqa ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta.

Halku dhigyadooda waxaa ka mid ah ” faraha ka qaada Rafax”, “joojiya xasuuqa” iyo kuwa kale oo lagu dalbanayo xabbad joojin deg-deg ah.

London – magaalada London, wadayaasha Tareenada todobo shirkadood oo ka mid ah ururka ASLEF ayaa ku dhawaaqay shaqa joojin muddo 24 saac ah iyaga oo ka cabanaya mushaar xumo.

RUUSHKA

Moscow – Vladimir Putin ayaa loo dhaarin doonaa inuu noqdo madaxweynaha Ruushka markii 5-aad kadib markii uu ku guuleystay doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday dalkaas.

Wadamada reer-galbeedka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa dhaliilyay hannaanki loo qabtay doorashadii Ruusha ee madaxtinimada.

US

Washington – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa kula kulmi doona madaxweynaha Guatemala Bernardo Arevalo magaalada Guatemala.

Blinken ayaa sidoo kale ka qeyb galaya kulan heer wasiir ah oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga kaas oo ka dhacaya magaalada Guatemala.

New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanaya warbixinnada Xoghayaha Guud Antonio Guterres ee ku saabsan dalalka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

INDIA

New Delhi – Hindiya ayaa qabanaysa wejiga saddexaad ee codbixinta guud taas oo qayb ka ah jadwalka doorashooyinka oo ka kooban todobada qayb.

Codeynta ayaa ka dhici doonta in ka badan 90 goobood oo ku kala yaal 12 gobol.

NIGERIA

Abuja – Cudurka jadeecada ayaa weli ku sii fidaya qaybo ka mid ah dalka Nigeria ee Galbeedka Afrika, waxaana u dhintay tobaneeyo qof, taas oo keentay in la xiro goobaha waxbarasahda ee gobolka Adamawa.

CHAD

N’Djamena- waxaa billaabatay tirinta codadka ee doorashadii madaxtnimada dalka Chad.

Doorasahdan ayaa la qorsheynaya in ay soo afjarto xukunkii ciidamada ee muddo gacanta ku hayay dalkaas .

KENYA

Nayroobi – Daadadka xoogan ee ku dhuftay dalka Kenya ayaa galaaftay nolosha in ka badan 220 qof.

Hay’adaha gurmadka iyo kuwa samafalka ayaa ku jira dadaal xoogan si loo samatabixiyo kumanaan qof oo waxyeello kasoo gaartay roobabkii ugu dambeeyay ka da’ay guud ahaan dalkaas.

Sida warbixinada lagu helayo waxaa laga cabsi qabaa in khasaaruhu intaas kasii bato.

CIYAARAHA

Paris – Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa marti galin doonta kooxda ka socota Jarmalka ee Borussia Dortmund lugta 2-aad ee Semi-finalka tartanka champions League.

Borussia Dortmund waxa ay heysataa fursad ay ku gaari karto finalka maadama ay lugti 1-aad kusoo badisay 1-0 inkasta oo lagu ciyaarayo guriga Paris Saint-Germain.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here