Tuesday, September 24, 2024

Jabuuti iyo Mareykanka oo ka wada hadlay iskaashiga nabadda ee gobolka

New York (Dawan)- Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka oo uu ka mid yahay Mike Hammer oo ah ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika iyo Polly Phee oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga labada da.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray horumarinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska arrimaha Afrika ee Mareykanka ayaa lagu sheegay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga Mareykanka iyo Jabuuti.

Inta uu socod shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti waxa uu sidoo kale taageero ka raadinayaa hoggaamiyeyaasha Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah si uu u hanto hoggaanka Midowga Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here