Tuesday, September 24, 2024

Puntland wadahadal nuucee ah ayay rabtaa inay la gasho dowladda dhexe?

Garoowe (Dawan)– Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si cad u sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay furto wadahadal lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee kala dhexeeya iyaga iyo dowladda federaalka. Isaga oo ka hadlaya goob fagaare ah, Madaxweyne Deni wuxuu ku baaqay in wadaxaajoodyada lagu qabto meel fagaare ah, si bulshada Soomaaliyeed ay marqaati uga noqoto.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Puntland diyaar u tahay in haddii ay qaldan tahay la saxo, haddiise ay saxan tahay la taageero. “Haddii aan qaldanahay, in nala-qabtaan ayaan dooneynaa, haddii aan saxanahayna in nala ayido,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Hadalkana ayaa imaanya iyadoo Xiriirka Dowlad Goboleedka Puntland iyo Dowladda Federaalka uu Mudooyinkii u dambeeyay sii xumaanyay iyada oo ay Puntland horay ugu dhawaaqday in aqoonsigii kala laabtay Dowladda Dhexe ayna joojisay wadashaqayntii kala dhaxeysay hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka kaas oo salka ku hayey wax ka bedelka Dastuurka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here