Saturday, July 27, 2024

Hadal heyn ka dhalatay shaqa ka eryid lagu sameeyay khabiirad dhanka amniga ah

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa soo saatay go’aan shaqada looga eryay Samiira Gayd kadib markii ay aragtideeda ka dhiibtay ansixintii Baarlamaanka Soomaaliya ee wax ka bedelka Dastuurka.

Qoraalka Wasaaradda waxaa lagu sheegay in qoraalka Samiira oo ka hor imaanayo mabaadi’da howlwadeenada hay’adaha dowladda iyo dhaxdhaxaadnimada.

Samiira ayaa barteeda X kusoo qortay ” 45 maalmood ka dib, madaxda hadda joogta waxay doorteen guul ku meel gaar ah iyagoo fadhiyada Baarlamaanka u ekaysiinaya habraac caddaalad ah… Wada hadal iyo dib u heshiisiin dhab ah waddo aan ahayn ma furno”

Samiira waxa ay Wasaaradda kala shaqaynaysay Lataliye ahaan barnaamij lagu magacaabo “Barnaamijka Amniga iyo Caddaaladda ee Midowga Yurub (SJGAP)” kaas oo uu maalgeliyo Midowga Yurub.

Qaar ka mid ah bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa shaqo ka ceyrinta Samiira si adag uga hadlay iyaga oo dowladda ku eedeeyay cabburin ka dhan ah aragtida shaqsiga.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo arrinta Samiira ka hadalaya ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray ” Waa ayaan darro wayn in Wasiir ka tirsan xukuumadda uu bartiisa Twitter-ka ugu hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed oo ra’yigeeda cabirtay, maalin ka dibna shaqo la talin ah oo mushaarkeeda ajnabi bixinayey laga cayriyey. Waa sariig la’aan in dadkii shalay ku eedayn jiray rajiimkii ka horreeyey in ay muwaadinka ku bartilmaamsadaan ra’yigiisa, ay maanta falkii oo kale ku kacaan”

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in ay iska hor imaanayaan go’aanka shaqada looga ceyriyay Samiira iyo hadallada madaxweynaha ee ah in qof kasta ra’yigiisa ka dhiibto wax ka bedelka Dastuurka.

Sharmaarke ayaa yiri; ” Warqadan ka soo baxday Wasaaradda Amniga Gudaha waxa ay abuurtay walaac xoogan. Sidee ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya qiil ugu heli kartaa tillaabadan ay ku qaadatay go’aankaas iyada Madaxweynaha laftiisu uu mid ka mid ah khudbadihii Jimcaha uu dadka ku casuumay inay xuquuqdooda helaan oo ay fikradahooda ka dhiibtaan doodda dastuurka”

Cabdirashiid Xaashi, agaasimihii hore ee Machadka cilimi-baarista ee Heritage ayaa ugu baaqay xukuumadda in ay ka noqoto go’aanka lagu soo saaray warqadda shaqada looga ceyriyay Samiira sidoo kalena ay raali galin ka bixiso.

Waxa uu intaas ku daray in Samiira ay tahay khabiirad ku takhasustay dib u habeynta laamaha amniga iyo ciidamada xoogga dowladduna ay tahay in ay tixgelin gooni ah siiso qofka heerkaas ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here