Tuesday, September 24, 2024

QM oo ka digtay cunto yari kusoo wajahan malaayin qof oo Soomaali ah

Muqdisho (Dawan)- Ku dhawaad ​​shan milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa wajahaya cunti yari ka dhalatay roobabkii la sugaayay oo aan u da’in sida la filayay, , sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay Talaadadii lasoo dhaafay.

Roob aan badnayn oo ka da’ay Geeska Afrika intii u dhaxaysay bilihii May iyo June ayaa si weyn hoos ugu dhigay wax-soo-saarka dalagga beeraha ee dalka. Qiyaastii 1.6 milyan oo carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 6 ilaa 59 bilood ayaa la saadaalinayaa inay soo foodsaareyso nafaqo-xumo ba’an inta u dhaxaysa Agoosto 2024 iyo Luulyo 2025, iyadoo tirada guud ee caruurta la kulmi doonta nafaqa xumida ay dhantahay ku dhawaad ​​403,000.

” Bilaha October ilaa December ee sanadkan 2024 ayaa la filaya inay sii xumaato xaaladda cunta yaridu, iyada oo la saadaalinayo inuu yaraado roobka xilliga dayrta” sidaas waxaa lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay.

Warbixintu waxay tilmaamtay in tirada dadka ay soo food saareyso cunto yari ba’an, la filayo inay kor u kacdo 4.4 milyan, taasoo ka dhigan 23% wadarta guud ee dadweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ayaa codsaday lacag dhan 1.6 bilyan oo doolar si loogu maalgeliyo qorshaha wax ka qabashada bini’aadantinimo ee Soomaaliya 2024-ka.

Si kastaba ha ahaatee, kaliya $507 milyan ayaa la helay tan iyo bishii August, taasoo ka dhigeysa inuu jiro farqi weyn oo u dhaxeeya baahida jirta iyo waxa la awoodo in la qabto si looga hortago dhibaatada sii kordheysa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here