Wednesday, September 25, 2024

Wajiga 2aad ee dib-u-habaynta Maaliyadda Soomaaliya oo lasoo gabagabeeyay

Istanbul (Dawan)- Magaalda Istanbul ee dalka Turkiga waxaa lagu soo gabagabeeyay wajiga labaad ee dib-u-habaynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee ay taageerto Hay’adda Lacagta Adduunka IMF.

Kulankan dib-u-eegista ah ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sii xoojinta qorshayaasha horumarineed ee Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo u gogol xaaridda qorshaha la doonayo in laga mira dhaliyo saddexda sano ee soo socota.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in dowladdu ku guulaysatay fulinta qorshayaasha iyo gaaridda yoolkii horumarinta dhaqaalaha marka loo eego wada xaajoodka Dowladdu ay la leedahay Hey’adda IMF. Arrimaha la xaqiijiyay waxaa ka mid ah sida uu tilmaamay Wasiirku, Dakhliga Dowladda oo kobac sameeyay kadib markii la casriyeeyay habka iyo nidaamka uruurinta canshuuraha, Maareynta Maamulka kharashaadka Dowladda, iyada oo la marinayo habraacyada shuruucda Maaliyadda.

Sidoo kale Banigiga Dhexe ayaa xaqiijiyay dhammaan himilooyinkii lagu hormarinayay Siyaasadaha iyo Shuruucda Bangiga.

Soomaaliya ayaa 13-kii bishii December ee 2023 laga cafiyay deymihii lagu lahaa, iyadoo hadda dib-u-habeynta Maaliyadda xoogga lagu saarayo barnaamijka Deyn Cafinta kaddib ee loo yaqaan HIPC iyo ECF oo IMF iyo Bangiga Adduunka kala shaqaynayaan Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here