Saturday, September 28, 2024

Mugdi ku xeeran halka uu ku dambeeyay Hoggaamiyaha Xisbullaahi

Beyruut (Dawan)- Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa weeraro is daba joog ku qaaday deegaanka koonfureed ee magaalada Beyruut, iyaga oo bartilmaameedsaday xarunta weyn ee kooxda Xisbullaahi.

Warbaahinta Israel waxay sheegtay in bartilmaameedku ahaa in laga taqaluso hoggaamiyaha ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan Xasan Nasrallah, inkata oo aan la xaqiijin dhimashadiisa ilaa iyo hadda.

Aljazeera waxa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Israel inay duleedka koonfureed ee Beyruut inay la ka fuliyeen in ka badan 30 duqeymo kuwaas oo lala beegsadaydhismayaal ku yaala Al-Kafaat, Al-Shuweyifat, Al-Hadath, iyo Al-Layliki.

Sawirro uu baahiyay TV-ga Aljazeera ayaa muujinayay burburka dhismooyiinka iyo qaac iyo holac is qabsaday kadib weerarada Israel.

Cidamada Israel ayaa sheegay in ay duqeeyeen xarumo lagu keydiyo hubka oo ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan.

Mareykanku waxa uu iska bari yeelay inuu wax ka ogyahay ama lala socodsiiyay weerarka Israel ee lala beegsaday xarumaha ururka Xisbullaah.

Xisbullaah waxay beenisay sheegashada Israel ee ah in ay jiraan bakhaaro hub ah oo ku yaalla dhismayaashii la duqeeyay ee ku yaalla duleedka koonfureed ee Beyruut.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan, ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerarada, halka 91 kalena ay ku dhaawacmeen.

Si kastaba ha ahaate, waxaan weli la ogayan halka uu ku dambeeyay hoggaamiyaha ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan Xasan Nasrallah, nolol ama geeri.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here