Saturday, September 28, 2024

Turkiga oo Soomaaliya usoo diraya markab sida gargaar bini aadantinimo

Ankara (Dawan)- Turkiga ayaa qorsheynaya inuu Soomaaliya usoo diro berri oo Axad ah Markab sida 3,000 oo tan oo ah gargaar bini aadantinimo, si wax loogu qabto dadka ku dhibaateysan gudaha dalka.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka iyo Gurmadka Degdegga ah ee Turkiga (AFAD) oo warbixin soo saartay maanta ayaa sheegtay in la diyaariyay markabka loogu magac daray ” Markabka Khayrka” iyada oo taageero laga helayo Bisha Cas ee Turkiga iyo Ururrada Rayidka ah si ay gacan ugu fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in daadadka ku dhuftay Soomaaliya tan iyo sanadkii hore ay sababeen xaalado bini’aadanimo oo saamayn ku yeeshay nolosha malaayiin qof.

Sanadkii hore, Soomaaliya waxaa ku dhuftay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah, waxaana ku naf waayay in ka badan 100 qof.

Soomaaliya iyo Kenya oo ay ka dhaceen abaarihii ugu darnaa sanadihii lasoo dhaafay ayaa ka mid ah dalalka uu sida weyn u saameysay isbedelka cimilada.

Markabka “GHADA” ayaa sida gargaar bini aadantinimo oo isagu jira cunto kala duwan, dhar, iyo agab nadaafadeed.

Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay , waxa uu Soomaaliya ka taageeray dhinacyada waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka, isagoo sidoo kale bixiyay gargaar bani’aadamnimo oo ballaaran.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here