Sunday, May 19, 2024

Nuxurka heshiisyada Soomaaliya iyo Turkiga ee arrimaha Garsoorka

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa 2-di bishaan May ansixiyay heshiiska iskaashiga dhanka Garsoorka ee u dhaxeeya xukuumadaha Soomaaliya iyo Turkiga.

“Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xukuumadda.

Ansixinta heshiiskan ayaa kusoo beegantay iyada oo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Turkiga, Niyazi Acar uu booqasho ku joogay Muqdisho.

Nuxurka heshiisyada Afartaa ah ee Soomaaliya iyo Turkiga

1) Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Iskaashi una dhexeeya Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Turkiga

Labad dhinac waxay ka wada shaqeynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga arrimaha soo socdo:

A. Isweydaarsiga macluumaadka ku saabsan arrimaha sharciga.
B. Taageeridda tababarka xubnaha xirfadleyaasha sharciga iyo kaaliyeyaasha garsoorka.
C. Sameynta kaabeyaasha tiknoolojiyadda macluumaadka ee maxkamadaha iyo qeybaha la xiriira.
D.Horumarinta awoodda xabsiga iyo tababaridda shaqaalaha xabsiga.
E. Kobcinta awoodda Garsoorka.


2) Heshiiska Is-gargaarsi sharciyeed oo quseeya arrimaha soo socda:

A. Dhinacyadu waxay ku tallaabsanayaan in ay isu huraan isgargaarsi sharciyeed ee arrimaha fal-dembiyeed, si waafaqsan axkaamta heshiiskan iyo sharciga gudaha ee dhinaca laga
codsaday.
B. Is-gargaarsi sharciyeed ee arrimo fal-dembiyeed waxaa ka mid ah:
I. Sameyn adeeg dokumentiyo;
II. Baaris, qabasho iyo la-wareegid ku xiran in ujeeddada dhaqan ee codsiga uu ka dhalanayo xad-gudub si waafaqsan shuruucda labada Dhinac;
III. Baaris goob dembi, baaritaan xeel-dheere, wareysi eedaysane iyo la-tuhme iyo dhegaysi cabasho qabeyaal, markhaatiyo iyo xeel-dheereyaal;
IV. Gudbin diiwaanno fal-dembiyeed, macluumaad iyo dokumentiyo caddeymeed;
V. Tilmaansi iyo aqoonsi shakhsiyaad
VI. Gargaarkii kale ee ay oggolaanayaan shuruucda gudaha ee dhinaca laga codsaday.
C. Gargaar sharciyeed waxaa lagu bixinayaa iyadoon loo eegin in dhaqanka dhaliyey codsiga uu yahay mid la ciqaabi karo si waafaqsan shuruucda labada Dhinac.


3) Heshiis dhiibid dembilayaal oo quseeya arrimaha soo socda:

A. Dhiibista Waajibka ah.
B. Hay’adaha Dhexe iyo Marinnada Xiriirka:
I. Dhinaca Soomaaliya: Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
II. Dhinaca Turkiga: Wasaaradda Cadaaladda, Jamhuuriyadda Turkiga
C.Dembiyada la isku Dhiibi karo
D. Sababaha Diidmada Dhiibista
E. Codsiyada Dhiibista iyo xogaha la xiriira.
F.Kharashaadka la Xiriira Dhiibista


4) Heshiis wareejin maxaabiis xukuman, wuxuu heshiiskan ka hadlayaa arrimaha soo socda:

A. Hay’adaha Dhexe iyo Marinnada Xiriirada:
1) Dhinaca Soomaaliya: Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
2) Dhinaca Turkiga: Wasaaradda Cadaaladda, Jamhuuriyadda Turkiga
B. Shuruudaha Wareejinta
C. Codsiyada, Jawaab-celinnada iyo Dokumentiyada la xiriira wareejinta Maxaabiista Xukuman.
D.Diidmada Wareejinta Maxaabiista Xukuman
E. Oggolaanshaha Shakhsiga Xukuman Iyo Xaqiijintiisa
F. Saamaxaad Guud iyo Cafis

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here