Sunday, September 29, 2024

khilaafka Ruto iyo ku xigeenkiisa oo meel xun gaaray

Nairobi (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa ku eedeyay Madaxweyne William Ruto inuu gadaal ka riixayo mooshin la doonayo in isaga xilka looga qaado.

Gachagua waxa uu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka loo soo badhigay midkiiba 5 milyan oo shilin si ay u taageeraan xil ka qaadista isaga ka dhanka ah, isaga oo intaas ku daray in qaar ka mid ah xildhibaanada ay iska diideen inay qaataan laaluush.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa u sheegay dadwayna in isku daydaas uusan hakad gelin doonin dadaalkiisa ku aadan inuu u ololeeyo danaha shacabkii isaga soo doortay.

Hadalka Gachagua ayaa kusoo aadaya iyada oo ay soo baxayeen maalmihi lasoo dhaafay warar sheegaya in mooshinka xil ka qaadista madaxweyna ku xigeenka si rasmi ah baarlamaanka loo horgeyn doono maalinta Talaadada ah ee ku beegan 1-da bisha soo socoto, iyadoo saxiixyo kor u dhaafaya 300 la aruuriyay.

Gachagua waxaa lagu eedeeyay inuu ku kacay siyaasad ku salleysan kala qaybin, wiiqidda shaqada madaxweynaha iyo inuu qayb ku lahaa kacdoonadii looga soo horjeeday sharciga canshuur kordhinta ee dalakas ka dhacay bilihii June iyo July ee lasoo dhaafay.

Si xilka looga qaado Gachagua, ugu yaraan saddex-meelood laba meel xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka ayaa loo baahan doonaa inay u codeeyaan mooshinka xil ka qaadista.

Markii ugu dambeysay ee madaxweyne ku xigeenkii Kenya xilka looga xayuubiyay duruufo la mid ah tan oo kale waxay ahayd sanadkii 1989-kii waxaana xilligaas madaxweyne ku xigeen ahaa Josephat Karanja oo lagu eedeeyay inuu wiiqay shaqada madaxweynihii xilligaasi Daniel Arap Moi.

Dr Karanja, oo horay u soo noqday danjirihii ugu horreeyay ee Kenya u fadhiyay Britain iyo guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Nairobi, ayaa lagu qasbay inuu xilka iska casilo ka dib hal sano iyo hal bil oo kaliya oo uu xilka hayay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here