Monday, September 30, 2024

Muranka jasiiradaha ee Gabon iyo Equatorial Guinea oo gaaray ICJ

Hague (Dawan)- Maxkamadda Caddaaladda Adduuna ( ICJ) ayaa maanta u fadhiisatay xal ka gaaridda muranka u dhaxeeya dowladaha galbeedka Afrika ee Gabon iyo Equatorial Guinea kuwaas oo isku haysta seddex jasiiradood.

Muranka lahaanshiya seddexdaan jasiiradood oo lagu kala magacaabo Mbanie, Cocotier iyo Conga ayaa soo jiitamayay tan iyo 1970-aadkii, waxaana la saadaalinaya inuu shidaal ka buuxo.

Jasiiradda Mbanie waxay ku fadhidaa dhul lagu qiyaasay 30-hektar, halka labada kale ay ka yaryihiin intaas.

Khilaafka oo daba dheeraaday awgeed, labada dal waxay ugu dambayn ku heshiiyeen in arrinta loo bandhigo maxkamadda si loo helo xal dhexdhexaad ah.

Muranka lahaansha jasiiradahan waxa uu salka ku haya sannadkii 1900-kii, markaasoo dalalkii Faransiiska iyo Spain ay xilligaas ku kala saxiixdeen magaalada Paris heshiis dhigaya xuduudda labada dal.

Gabon waxa ay ku doodaysaa in heshiis la saxiixay 1974-ki oo lagu magacaabo Heshiiskii Bata- inuu qirayo lahaanshaheeda jasiiradaha.

Laakin Domingo Mba Esono, wasiir ku xigeenka macdanta Equatorial Guinea, ayaa dhankiisa qaba in heshiiskaas uusan ahayn mid sax ah.

Waxa uu maxkamadda u sheegay in mas’uuliyiinta Gabon ay si lama filaan ah u soo saareen heshiiskan kulan dhexmaray labada dal sannadkii 2003-dii, isaga oo Equatorial Guinea ku noqday arrin la yaab leh.

“Ma jirto cid maqashay ama aragtay heshiiskan . Waxaa intaa dheer, dukumeentiga la soo bandhigay ma ahayn mid asal ah laakiin wuxuu ahaa kaliya koobi aan la hubin,” ayuu yiri Esono.

Waftiga ka socda Equatorial Guinea ayaa su’aal galiyay sharcinimada dukumeentiga waxayna ku adkaysteen in Gabon ay keento nuqul asal ah.

Esono waxa uu sheegay in Gabon ay ku soo duushay jasiiradahaas 1972-dii, iyada oo ku haysatay si sharci darro ah tan iyo markaas.

Labada dal ayaa ka codsaday maxkamadda inay go’aan ka gaarto qoraallada sharciga ah ee ansax ah, iyada oo aan si gaar ah loo qeexin dalka iska leh jasiiradahas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here