Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo ka qayb galaysa Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha

Beijing (Dawan)- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa ka qayb galaya meertada tobanaad ee shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha oo lagu wado in la daahfuro 30 bishan May.

Madasha ayaa laga soo saari doonaa dhowr dukuminti oo muhiim ah, oo ay ku jiraan Baaqa Beijing, barnaamijka fulinta ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha ee sanadaha 2024-2026 iyo war-murtiyeedka wadajirka ah ee arrinta Falastiin, iyadoo dhammaan howlahan lagu jaan-gooyay kulamada gogol-xaarka ee hore u qabsoomay.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa kulan doceedyo labo dhinacle ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggiisa ah iyo wakiillada matalaya dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee ka qaybgalaya shirka heer wasiir si loo xoojiyo xiriirka labo geesoodka, lana sahamiyo fursadaha iskaashi ee nacfi wadaagga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa hore u shaacisay in boqorka Bahrain, Xamad bin Ciisa iyo madaxweynayaasha dalaka Masar, Cabdifataax Al-Sisi, Tuunis, Qays Siciid, iyo Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyaan, ay qayb ka yihiin madaxda lagu casuumay Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa tilmaamay in ujeedka madasha uu yahay sii xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo dalalka Carabta, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxdu ay mowqif mideysan ka yeelan doonaan qaddiyadda Falastiin.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli Shiinuhu uu dadaal u galay siduu uga qayb qaadan lahaa dhex-dhexaadinta Israel iyo kooxaha iska caabinta ee Falastiinyiinta oo ay hormuud ka tahay kooxda Xamaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here