Thursday, October 3, 2024

Tanzania oo soo bandhigtay diyaarado ay sameysay

Tanzania (Dawan)- Saddex diyaaradood oo ay sameysay Tanzania ayaa si rasmi ah u howlgalay, sida uu sheegay Agaasimaha Shirkadda Diyaaradaha ee Africa Limited , Mr David Grolig.

Diyaaradii ugu horeysay ee Skyleader 600 laguna sameeyay gudaha Tanzania ayaa soo caga dhigatay Garoonka Caalamiga ah ee Julius Nyerere.

Diyaardahan oo ah nuuca yaryar ayaa billaabay howlahooda duulimaad kadib markii ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahna.

“Waxaan gudaha Tanzania ku samaynay saddex diyaaradood oo Skyleader 600 ah. Diyaaradahan waxay ku habboonyihiin in loogu safro gudaha Tanzania iyo guud ahaan Afrika, waxaanu soo dhawaynaynaa macaamiisha xiisaynaysa inay iibsadaan ayuu yiri Grolig.

Agaasimaha Shirkadda Diyaaradaha ee Africa Limited waxa uu tilmaamay in diyaaradahaan oo lagu magacaabo Skyleader 600 in loogu tala galay ganacsatada dooneysa inay galaan safarada, iyaga oo doonaya inay si dhaqsi ah ugu laabtaan howlahooda.

Shirkadda Diyaaradaha ee Africa Limited , waa shirkaddii ugu horeysay ee Tanzania ee samaysa diyaarado noocaan ah, kuwaas oo loogu tala galay inay si gaar ah u adeegsadan ganacsata iyo shakhsiyaadka kaligood gala safarada

Sameynta diyaaradahan waxay shirkaddu u kaashatay khubaro isku dhaf ah oo u kala dhashay Tanzania iyo Czech, waxayna fursad shaqo u noqotay dhalinyaro badan kuwaas oo qaarkood tababar kusoo qaatay Jamhuuriyadda Czech.

Diyaaradahan waxaa lagu soo bandhigay Bandhigga Wax-soosaarka Caalamiga ah ee Tanzania (TIMEXPO 2024), ee lagu qabtay magaalada Dara Salaam. Bandhigaan oo ay soo qaban qaabiyeen Isutagga Warshadaha Tanzania oo kaashanaya Hay’adda Horumarinta Ganacsiga Tanzania , ayaa soo jiidatay in ka badan 300 oo shirkadood oo maxalli ah iyo kuwo caalami ah.

Dhanka kale, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaadiidka, Prof Godius Kahyarara, ayaa bogaadiyay guusha la gaaray, isagoo sheegay in Tanzania ay hadda tahay dalka kaliya ee Afrikaan ah ee sameeya diyaaradahan. Waxa kale oo uu xusay in Skyleader 600 ay awood u leedahay inay hawada ku jirto muddo lix saacadood ah , taas oo muujinaysa suurtagalnimada ah inay geli karto safaro dhaadheer.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here