Tuesday, September 17, 2024

Iran oo Madaxweyne cusub yeelanaysa kadib Ibraahim Raisi

Tehran (Dawan)- Wareega labaad ee doorasahada madaxtinimada Iran ayaa subaxnimadii maanta loo dareeray, iyada oo ay ku tartamayaan labada musharrax ee kala ah Mascuud Pezeshkian iyo Siciid Jalili.

Codeynta ayaa bilaabatay siddeedii subaxnimo, waxayna socon doontaa ilaa lixda maqribnimo ee xilliga dalkaas.

Hogaamiyaha ruuxiga ee Iran Cali Khamenei ayaa codkiisa ka dhiibtay sanduuqa codbixinta ee hoolka Hosseiniya Imam Khumeyni ee magaalada Tehran.

Doorashadi dhacday 28-ka bishii June ayaa lagu kala bixi waayay kadib markii la waayay hal musharrax oo hela 50% in ka badan, waxaana u soo gudbay wareega labaad labada musharax ee kala ah Mascuud Pezeshkian iyo Siciid Jalili.

Xogta ugu horreysa ee natiijada doorashada ayaa la filayaa in la soo saaro saqda dhexe ee caawa , iyadoo natiijada rasmiga ah la shaacin doono Sabtida.

Waa kuma Mascuud Pezeshkian?

Siyaasigan isbedel doonka ah ee Pazashkian waxa uu ku dhashay magaalada Mahabad 29-kii September 1954-tii isaga oo ka soo jeeda qoys asal ahaan isagu jira Turki iyo Iran .

Pezeshkian, oo magaciisu macna ahaan ku noqonayo luqadda Faaris “dhakhaatiir” , wuxuu ka qalin jabiyay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Tabriz wuxuuna kasoo qayb qaatay isaga oo dhakhtar iyo dagaalyahan ah dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee dhacay intii u dhaxaysay 1980 iyo 1988.

Dagaalka ka dib, Pezeshkian wuxuu sii watay waxbarashadiisa isagoo ku takhasusay qalliinka guud ee Jaamacadda Tabriz ee Sayniska Caafimaadka.

Pezeshkian waxa uu takhasuskiisa qalliinka wadnaha ka qaatay Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Iran 1993kii, ka dib waxa uu noqday khabiir ku takhasusay qalliinka wadnaha isaga oo Guddoomiye ka noqday Jaamacaddiisi Tabriz ee Sayniska Caafimaadka intii u dhaxaysay 1994 iyo 1999.

Pezeshkian ayaa siyaasadda soo galay markii loo magacaabay wasiir ku xigeenka caafimaadka sanadkii 1997, xiligaas oo uu xilka hayay madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Khaatami, ka dibna waxaa loo magacaabay wasiirka caafimaadka sanadkii 2001, isaga oo xilkaas hayay ilaa 2005-tii.

Pezeshkian, waxaa u suurtagashay in uu Baarlamaanka soo galo isagoo wakiil ka ah Tabriz doorashooyinkii guud ee dalka ka dhacay 2008-dii, wuxuuna xubinimadiisa xildhibaanimo xajistay shan xilli doorasho.

Sannadkii 2016, Pezeshkian wuxuu sidoo kale soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Bbaarlamaanka Iran muddo 4 sano.

Pezeshkian, ayaa sanadkii 2013-kii isku soo taagay inuu u tartamo doorashada madaxtinimo ee dalka Iran, balse markii dambe waa ka tanaasulay musharaxnimadiisa. Markale ayuu isa soo sharraxay sannadkii 2021-ka, waxaana diiday inuu tartamo Golaha qaabilsan kala shaandhaynta musharrixiinta.

Mascuud Pezeshkian waa musharraxa kaliya ee ku abtirsada garabka bidix. Wuxuu ololihiisa doorashada ku saaray diiradda inuu dib u habeyn ku sameyn doono nidaamka dalka, waana mid ka mid ah musharrixiinta loo saadaalinayo inuu guuleysan karo

Pezeshkian, ayaa taageero xoogan ka helay madaxweynayaashii hore ee Maxamed Khaatami Xasan Rouhani iyo qaar ka mid ah siyaasiyiin caan ka ah dalkaas oo ay ka mid yihiin wasiiro, wuxuuna ballan qaaday inuu la dagaalami doono takoorka ku dhisan kooxeysiga iyo qowmiyadda, isaga oo ololihiisa xooga ku saaray wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaalaha iyo garsoorka.

Waa kuma Siciid Jalili?

Siciid Jalili waxa lagu tiriyaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan muxaafidka dalka Iran, waxa uu ku dhashay magaalada Mashhad 6-dii September 1965-tii , isaga oo siyaasadda ka bartay Jaamacadda Imam Sadiiq ee magaalada Tehran.

Jalili, waxa uu kasoo qaybqaatay dagaalkii Iran iyo Ciraaq, isagoo ka mid ahaa ciidamadii iskaa wax u qabso ee Ilaalada Kacaanka, waxaana soo gaaray dhaawac culus oo dhankan lugta ah.

Jaliili dagaalkii ka dib waxa uu shaqo macalinimo ka bilaabay Jaamacadii uu ka baxay, kadibna sannadkii 1989 kii waxa uu u shaqo tagay wasaaradda arimaha dibada ee Iran.

Sannadkii 2001-dii, Jalili waxa loo magacaabay la-taliye ka tirsan xafiiska Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Cali Khamenei, waxaanu xubin ka noqday Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka sannadkii 2002-dii.

Ka dib markii Maxamuud Ahmadinejad loo doortay madaxweynaha dalkaas August 2005, waxaa Jalili loo magacaabay ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Yurub iyo Mareykanka.

Sannadkii 2013, Khamenei ayaa u magacaabay xubin ka tirsan Golaha Ammaanka ee Iran, isla sannadkaasna waxa uu xubin ka noqday Guddiga Adeegga Baarista Nidaamka.

Jalili, ayaa sidoo kale ahaa musharax u taagan doorashada dalka ka dhacday sanadkii 2021-ka, balse markii dambe waxa uu u tanaasulay Ibraahim Raisi.

Siciid Jalili, waa siyaasi ku abtirsada garabka midigta fog. Waxa uu hore usoo noqday xoghayihii guud ee nabad-sugidda dalkaas, wuxuuna caan ku ahaa mowqifyada uu kaga soo horjeedo heshiiskii Nukliyeerka ee Iran iyo Reer-galbeedka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here