Thursday, October 3, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan ka yeelanaya arrimihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Kulanka waxa warbixin looga dhagaysan doonaa ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.

Kenya

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa si ku meel gaar ah u hakisay dhaqangelinta hannaanka cusub ee maalgelinta tacliinta jaamacadaha dalkaas.

Rwanda

Hay’adaha caafimaadka Rwanda ayaa sii wada dagaalka ay kula jiraan cudurka dilaaga ah ee Marburg oo tirada dhimashadu ay hadda gaartay 11 qof iyadoo la diiwan geliyay 29 xaaladood oo cusub.

Nigeria

Todobaadyo kadib waxaa weli baadigoob loogu jiraa dad lagu waayay daadad ba’an oo ku dhuftay gobolka Borno ee waqooyi bari Nigeria. Daadadka ayaa barakiciyay ugu yaraan 300,000 oo qof waxayna waxyeello gaarsiiyeen boqolaal dhismo, kuwaas oo saameeyay hal milyan oo qof oo ku nool magaalada Maiduguri.

Nepal

Dalalka Nepal, Bangladesh iyo India ayaa qorsheeynaya inay kala saxiixdaan heshiis seddex gesood ah oo la xiriira korontada.

Taiwan

Taiwan waxaa la xiray goobaha waxbarashada ee ku yaal dhowr deegaan kadib markii ay ku dhuftay Duufaanta Krathon.

Suudaan

Markab sida gargaar gaaraya 2,500 oo tan oo ay iska kaashadeen Turkiga iyo Kuwait, ayaa gaaray dalka Suudaan, kaas oo ay ka jiraan colaado saamayn ku yeeshay nolosha dadka.

K/Suudaan

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa xilka ka qaaday taliyihii sirdoonka dalkaas oo muddo dheer xilka hayay, isagoo ku bedelay nin ay isku dhow yihiin, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda ee SSBC, iyadoo soo xiganaysa wareegto madaxweyne.

Lubnaan

Tan iyo 23kii September, weerarada Israel ee Lubnaan waxaa ku dhintay 1,119 qof, waxaana dhaawaac soo gaaray 3,040 kale sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.

Falastiin

Dagaalka Gaza ayaa galay maalintii 363-aad, iyada oo ay ciidamada Israel ku dileen in ka badan 41,689 halka dhaawacyadu ay gaareen 96,625.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 721 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 6,200 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 11 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 716 , halka dhaawacana lagu sheegay 4,481, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here