Saturday, July 27, 2024

Maxkamadda racfaanka oo billaawday dhegeysiga dacwadihii musuqa

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa maanta billaawday dhegeysiga Dacwadihii Musuqmaasuqa ee Racfaanka laga qaatay oo maraya heerka darajada labaad ee rafcaanka.

 Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa bishii September go’aan kasoo saartay 11 eedeysane oo ka mid ah 25 eedeysane oo loo heystay lunsashada hanti dowladeed oo kor u dhaafeysa 21 Milyan oo doollar.

Eedeysanayaalka ayaa ka kala tirsan Wasaaradaha Maaliyadda, Shaqada, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Bangiga Dhexe.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in 6 ka mid ah 11-ka qof lagu helay dembiyo kala duwan, halka 5 qof lagu waayay wax dembi ah, dibna loogu celiyay xorriyadooda.

Halkaan hoose ka eeg xukunka ay  Maxkamadda Gobolka Banaadir ku riday 11-ka eedeysane.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunnada ay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku bari yeeshay qaar ka mid ah eedeysanayaalka loo heystay musuq-maasuq.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here