Friday, October 18, 2024

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo xil ka qaadis lagu sameeyay

Nairobi (Dawan)- Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Kenya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay madaxweyne ku xigeenka dalkaas Rigathi Gachagua kadib markii 281 xildhibaan ay u codeeyeen mooshinki laga gudbiyay.

Kaliya 44 xildhibaan ayaa taageero u muujiyay Gachagua.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya Moses Wetangula ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta isaga oo sheegay in mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweyne ku xigeenka uu meel maray sidaas darteedna Rigathi Gachagua laga qaaday jagadii uu hayay.

Xil ka qaadista ku xigeenka madaxweynha Kenya ayaa loo cugsaday eedeymo la xiriira inuu si sharci darro ah ku aruursaday hanti lagu qiimeeyay 5.2 bilyan oo shilinka Kenya ah, ama $40.3 milyan, labadii sano ee u dambeysay.

Madaxweyne ku xigeenka Gachagua, oo 59 jir ah, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu wiiqay shaqooyinka xukuumadda sidoo kalena uu ku lug lahaa xasarado ku sallaysnaa kala qaybinta qowmiyadaha dalkaas.

Gachagua wuxuu noqonayaa madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee xilka laga xayuubiyo tan iyo markii wax ka bedelis lagu sameeyay dastuurka Kenya ee 2010-kii.

Kiiskiisa ayaa hadda loo gudbin doona Aqalka Sare ee dalkaas oo ka kooban 67 xubnood, iyaga oo ayidi doona go’aanka Aqalka Hoose ama diidi doona.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here