Friday, October 18, 2024

Turkiga oo gargaar bini aadanimo gaarsiiyay Lubnaan

Beirut (Dawan)- Turkiga ayaa Oktoobar 9keedii, gaarsiiyay 300 oo tan oo gargaar bani’aadamnimo ah Lubnaan, xilli Israa’iil ay sii waddo weerarradeeda ka dhanka ah dalkaasi.

Gargaaran ayaa la geeyay dekedda Beirut iyadoo ay hogaaminayeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Difaaca Turkiga, waxaana halkaasi ku soo xirtay maraakiibta ciidanka badda ee Turkiga TCG Sancaktar iyo TCG Bayraktar.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale horay Sebtembar 25, u soo gaarsiisay Lubnaan qiyaastii 30 tan oo gargaar ah oo isugu jiray dawooyin iyo cunto. Sida ay sheegtay Hay’adda Iskaashiga iyo Isku-duwidda Turkiga ee (TIKA) ayaa sii wadi doonta dadaalkooda gargaarka bani’aadamnimo ee gobolka.

Safiirka Turkiga ee Beirut, Ali Baris Ulusoy, ayaa sheegay in xaalada Lubnaan ay tahay mid walaac leh, isaga oo xusay in isbeddel xagga amniga ah laga dareemay guud ahaan Lubanaan, gaar ahaan tan iyo bartamihii Sebtembar. Wuxuu sheegay in ilaa hal milyan oo qof ay ku barakaceen weerarrada Israa’iil ee ka dhacay Lubnaan, taasoo caqabad weyn ku noqotay waddan yar sida Lubnaan.

“Dowladda Turkiga waxay dadaal xoog leh ugu jirtaa xal u helidda dhibaatadan bani’aadamnimo,” ayuu yiri safiirka.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo laga cabsi qabo in ay sii kororto xiisadda Bariga Dhexe, iyadoo ciidamada militeriga Israel ay wali duqeymo ka gaysanayaan koonfurta dalka Lebanon.

Tan iyo 23kii September, weerarada Israel ee Lubnaan waxaa ku dhintay 1,119 qof, waxaana dhaawaac soo gaaray 3,040 kale sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here