Muqdisho (Dawan)- Sanad kadib markii deynta laga cafiyay Soomaaliya, maxaa iska bedelay miisaaniyadda dowladda Federaalka ah Soomaaliya? Miisaaniyadda sanadka 2025 oo la soo bandhigay ayaan ka ogaaneynaa, waxaana kula wadaageynaa 10 arrin oo ay tahay inaad ka ogaato miisaaniyadda hadda kortaallda Golaha Baarlamaanka
1. Kaalmooyinka ajnabiga ah oo laf-dhabar u ah miisaaniyadda
67.43% ka mid ah miisaaniyadda 2025, waa kaalmo dibadda ka imaaneysa, taasoo ku dhow hal bilyan oo dollar oo deeq ahaan loogu ballan qaaday Soomaaliya. Tani waa isha ugu weyn ee dhaqaalaha dowladda, waana qodobka ugu muhiimsan ee miisaaniyadda Soomaaliya.
2. Dakhliga guda oo badi ka imaanaya Banaadir
Dakhliga gudaha dalka ka soo xaroonaya ee dowladda Federaalka ah oo 429 Milyan oo dollar ah, 295.3 million waa canshuur inteeda badan gobolka Banaadir laga uruurin doono. Soomaaliya malaha ilo dakhli oo canshuur iyo adeeg-bixin aan ahayn.
3. Xiriir la’aanta miisaaniyadaha federaalka iyo dowlad goboleedyada
Miisaaniyaddaan waxay ku kooban tahay dowladda Federaalka ah oo kaliya, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir mid walba waxay si gaar ah u leedahaay miisaaniyad gaar ah, mana jirto xiriir iyo isku dubaridnaan ka dhaxeysa marka laga reebo kabka miisaaniyadda ee deeq ahaanta ajanabigu u bixiyaan oo xisaab xirkeeda iyo marinkeeda ay dowladda Federaalku isla xisaabtan ku leedahay.
4. Miisaaniyadda wasaaradda arrimaha dibadda oo aan wax weyn iska beddelin
Soomaalia waxay Ethiopia la gashay dagaal dublamaasiyadeed oo weyn, safarro tirabadan iyo kulamo aan kala go’ lahayn ayaa soo kordhay, balse kama muuqato miisaaniyadda wasaardda arrimaha dibadda. Wax ka yar $ 200 oo kun ayaa ku kordhay: Miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ee 2025 waxaa loo qorsheeyay $9,404,332 halka Sanadkii 2024, ay ahayd $9,327Kun
5. Miisaaniyad aan si buuxda loo dhameystirin
Miisaaniyadan la odoroso sanad walba 20-35% lama helo, sidaas darteed hay’ado badan ayaa waaya qoondadooda, waana sababta kharashka “howl socodsiinta” ay wasaarado badan u waayaan oo iyaga oo shaqaale oo mushaar qaata heysta aysan waxba u qaban karin.
6. Dowladda Soomaaliya waa tan 7aad ee ugu miisaaniyadda yar dunida
Dowladda Soomaaliya waa tan 7aad ee ugu miisaaniyadda yar dunida. Waxaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka hooseeya jasiiradda Kiribati oo dhan 25 km² ayna ku nool yihiin 131 kun oo qof (oo u dhiganta degmada Xamar Jajab). Haddii si si kale loo barbar dhigo dalalka gobolka, miisaaniyadahooda – Kenya: $31.19 bilyan – Itoobiya: $16.83 bilyan – Uganda: $60 bilyan – Tansaaniya: $18.94 bilyan – Masar: $135 bilyan
7. Kordhinta miisaaniyadda waxbarashada
Miisaaniyadda wasaaradda waxbarashada 2025 ayaa la kordhiyay $35,342,656 USD, iyadoo la gaarsiiyay $100Milyan, halka sanadka 2024 ay ahayd 65 Milyan oo kaliya. Miisaaniyadda ayaa ka korortay, mushaaraad iyo howlsocodsiin la xiriirta safarro, shidaal iyo adeegyo kale.
8. Doorashooyinka oo aan miisaaniyadda ka muuqan
Sanadka 2025 waxaa ku soo aadan Soomalaiya doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo golayaasha deegaanka, hase yeeshee miisaaniyaddan kama dhex muuqato qorshe gaar ah oo loogu talagalay doorashooyinkaas muhiimka ah.
9. Miisaaniyadda difaaca oo aan isbedel weyn lahayn
Inkastoo Soomaaliya dagaal kula jirto Al-Shabaab, miisaaniyadda difaaca iyo amniga wax isbedel ah kuma jiro, iyadoo miisaaniyadu ku dhowdahay middii sanadkii hore. Waxaa la filayaa in difaaca lagu qarash gareeyo $171,002,350 sanadka 2025.
10. Miisaaniyad ku saleysan doolarka Mareykanka
Inkasta oo lacagta rasmiga ah ee Soomaaliya ay tahay shilin Soomaali, haddana miisaaniyadda dowladdu waxay ku saleysan tahay doolarka Mareykanka. Sababtu aya loo aneenaya qiima-dhaca shilinka Soomaaliga iyo maqnaanshaha siyaasad lacagta lagu maamulo.
Miisaniyadda sanadka 2025 oo ah Hal Bilyan iyo saddex boqol 42 milyan iyo afar boqol todobaatan iyo lix kun, haddii loo sarrifo shilinka Soomaaliga imisa ayey noqoneysaa?